Xaamilo Xabsiga Riyad Ku Geeriyootay iyo Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga oo Madax-furasho ka Qaadda Dadka Tarxiilka

0

“Lix boqol oo qof oo Soomaali ah ayaa sheegtay Itoobiyaan oo la xihiidhay Safaaradda Itobiya, markii ay Safaaradda Soomaaliya Madax-furasho ku xidhay….” Mid ka mid ah Soomaali ku xidhan Riyaad Cali Muuse

Riyadh(Aftahannews):- Haweenay Soomaaliyeed oo Xaamilo ah, ayaa ku geeriyootay Xabsi ku yaalla magaalada Riyaad ee dalka Scuudiga, ka dib markii la soo xidh-xidhay Soomaali badan oo ay ka mid ahayd Marxuumadda geeriyooay oo dalka Sucuudiga sharci-darro ku joogay, lana donayay in loo mstaafuriyo Soomaaliya.safaaradda

Mastaafurintaas ayaan dhicin ka dib markii sida ay sheegeen qaar ka mid ah Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xidhan dalka Sucuudigu ay gurmad ka waayeen Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, taasoo sababtay in lix boqol oo qof oo ka tirsan Soomaalida ku xidhan jeelasha magaalooyinka Jidah iyo Riyad inay la xidhiidhaan Safaaradda dalka Itoobiya ee Scuudiga.

Soomaalida Maxaabiista ku ah dalka Sucuudiga, ayaa Safaaradda Soomaaliya ku eedeeyay inay lacag maxad-furasho ah ka qaaddo dadka Soomaalida ah ee la mustaafurinayo, iyagoo intaa ku daray cidda lacagaas bixin weyda inay Xabsiga ku illaabaan.

Warkoo dhammaystiran Riix halkan