“xaq ayaan u leeyahay in aan hogaanka Xisbiga u tartamo”Qabyo-tire

0

Hargeysa (Berberanews) – Wasiirkii hore ee qorshaynta Qaranka Maxamed Aadan Qabo, ayaa wax  laga xumaado ku tilmaamay in loo diido in uu  ka mid noqdo siyaasiyiinta hanka leh ee u tartamaya hoggaanka xisbiga KULMIYE.

Siyaasi qabo oo doonayay in uu u tartamo guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE isla markaana doonayay in uu shubo lacaga lagu xidhay mushariniinta xisbiga hoggaankiisa sare u tartamaya ayaa saaka lagu diiday lacagtii uu xisbiga u shubi lahaa lahaa si  uu uga mid noqdo Tartameyaasha.

Wasiirkii hore ee xukuumaddii Axmed Siilaanyo ee KULMIYE Qabo, oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee xarunta Xisbiga  KULMIYE, ayaa  sheegay in aanay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ka qabalayn in uu xisbiga cid gaar ah u xidho.

Siyaasi Qabo waxaa uu yidhi isga oo arrimahaasi ka hadlaya  “Libaax laba raq lagama wada kiciyo,madaxweyne Biixi hadii aanu xukuumada ku ixtiraanay ragayagii las oo shaqeeyey ka aqbali mayno inuu xisbiga cid gaara loo xidho, xaq ayaan u leeyahay in aan hogaanka Xisbiga u tartamo xeerka Xisbiga meel ay kaga qoran tahay reer hebel ayaa halkaa leh garan mayno waa ayaan daro wayn oo Xisbigii Kulmiye ku habsatay”