Xidhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo Puntland ugu baaqay inay joojiso daandaansiga

0

Muqdisho(Berberanews)Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya iyo Golaha Xukuumadda, ayaa ku baaqay in Maamulka Puntland joojiyo daandaansiga iyo colaada uu ka hurinayo xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanay dawladda Federaalka ugu baaqeen inay ka shaqayso sidii jawi isku soo dhawaanshiyo uga dhex dhalan lahaa Soomaaliya iyo Somaliland, balse taas cakiskeeda aan colaad iyo qori caaradii xal lagu raadin.

Dagaalka soo noqnoqday ee Somaliland iyo Puntland ku dhex maray soohdinta xuduuda Soomaaliya, ayaa lagu eeddeeyey dawladda Farmaajo, waxaanay Masuuliyiinta Somaliland ku celceliyeen inay colaadaas ka dambeyso Dawladda Soomaaliya.

Xildhibaanada iyo xubnaha Golaha Wasiirrada ee Dawladda Soomaaliya ka tirsan, kana kooban labada gole baarlaman iyo Xukuumadda, ayaa ku eeddeeyey Puntland isir-sooc iyo sheegasho dhul aanay maamulin oo Somaliland leedahay.

Baaq ay ka soo saareen Magaalada Muqdisho ayaa u dhignaa sidan: