Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo Hargeysa ku geeriyooday

0

Hargeysa-(Berberanews)-Alle haw naxariistee  waxaa xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Marxuum Xildhibaan Cabdikariim Aw Cali Shabeel oo ka mid ahaa mudanayaasha Golaha Wakiladda Somaliland.

Ma jiro war rasmiya oo kasoo baxay sababta geerida Xildhibaan Cabfikariin Aw Cali Shabeel,oo ka mid ahaa mudanayaashii kusoo baxay doorashadii 2005tii ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Bahda Shebekadda Berberanews waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel.