Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo Muqdisho lagu dilay

0

Sannadkii 2010-kii ayuu xilka guddoomiye ku xigeenka iska casilay isagoo tallaabadaasna kuu sababeeyay arrimo caafimaad.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo maanta lagu dilay Muqdisho

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii, Qaraabadii iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka, isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka, Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah siyaasiyiinta tacsida ka diray dhimashada xildhibaankan.

“Inaa lillah wa inaa ileyhi raajicuun, ilaahay ha u naxariisto walaalkeen Cismaan Cilmi boqorre oo xildhibaan ka ahaa golaha shacabka oo gacan ka xaq daran ay ku dishay Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa, qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay. Waxaan ilaahay uga baryeyna inuu janadii ka waraabiyo, aniga oo ugu baaqaya laamaha amniga ee dowladda in ay cadaaladda marsiiyaan soona qabtaan kooxii falkaasi foosha xun fuliyay”, ayuu yiri Shariif.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cismaan Cilmi Boqorre uu hadda ahaa xildhibaanka ugu da’da weyn mudaneyaasha golaha shacabka ee Federaalka Soomaaliya.

Ma jirto cid wali sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaankan, iyadoo horayna magaalada Muqdisho loogu dilay xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaanka.

Xigasho Bbc Somali