Xildhibaan ku dhintay Qarax ka dhacay illinka Madaxtooyadda

0

Muqdisho(Berberanews):-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Faysal Warsame Maxamed oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamanaka Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax goordhawayd oo ah ka dhacay illinka [kadinka] hore ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gaadhiga Xildhibaanka oo galayay madaxtooyada uu qaraxu si lama filaan ah ku dhacay, iyadoo goobjoogayaal halkaas ku sugnaa ay sheegeen in qaraxa uu u muuqday inuu ahaa mid gaariga lagu soo xiray.

“Gaariga xildhibaanka oo galayay xarunta madaxtooyada ayuu qarax weyn dhacay wuxuuna dhaawac kasoo gaaray xildhibaanka iyo gabar xildhibaanad hore oo gaariga la saarnayd, xildhibaankuna wuxuu daqiiqado kaddib ku dhintay isbitaalka Madiina,” ayuu yiri xildhibaan Sidoow Abaadir qaraxa kaddib saxaafadda la hadlay.

Lama oga ciddii ka dambeysay qaraxan iyo cid sheegatay midna, balse wuxuu ka mid noqonayaa qaraxyo dhowr oo dhibaato loogu geystay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyo shaqaalaha dowladda.

Ma ahan markii ugu horreysay oo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya qarax lagula eegto Muqdisho, iyadoo lagu dilay qarax xildhibaan Garweyne oo ka mid ahaa xubnihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya, sidoo kalena dhowr bilood ka hor qarax lagula eegtay degmada Xamarweyne xidhibaan Sheekh Aadan Mad-Deer.

Berberanews.com

info@berberanews.com