Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire Oo Maamulka Gobolka Saaxil U Soo Jeediyay Inay Marxuum Cigaal Ugu Magac Daraan Goob Muhiim ah Oo Lagu Xusuusto

0

Berbera, -(Berberanews)- Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ahna maamulaha Jaamacadda gaarka loo leeyahay ee Gollis qaybteeda Berbera, ayaa masuuliyiinta Gobolka Saaxil u soo jeediyay inay ugu magac-daraan meel ka mid ah Berbera Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

 

Xildhibaan Naasir Shire oo xalay ka hadlay munaasibad loo sammeeyay xuska sannad-guurada sagaalaad ee ka soo wareegtay geerida Madaxweynihii hore ee Marxuum Cigaal oo ay soo qabanqaabiyeen shebekadda Berbera news iyo ururka dhallinyarada SOMEDO, laguna qabtay Hoolka Ururka YOVENCO, ayaa maamulka Saaxil u soo jeediyay inay ugu magacdaraan meel lagu xusuusto oo Berbera ku taala, maadama Marxuumku ka soo jeedo Gobolka Saaxil.

“Waxaan ku talin lahaa, maadaama meesha keliya ee lagu xasuusto Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ay tahay Garoonka Diyaarada Hargeysa ee Cigaal International Airport, waxaan maamulka Gobolka Saaxil u soo jeedinayaa in loogu magacdaro meel lagu xusuusto, gaar ahaan Gobolka uu ka soo jeedo ee Saaxil, maxaa inoo diidaya inaanu u bixinno, oo qofkasta oo Somaliland yimaadaa uu u aqoonsado aabihii Somaliland, sida taalada shuhadada Hargeysa.”ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire waxa uu xuskaa kaga dhawaaqay in mid ka mid ah hoolasha Jaamacadda GOLLIS ee Bebera uu u bixin doono Marxuum Cigaal, “Ka jaamacad ahaan waxan halkan ka ballanqaadanaynaa mid ka mid ah hoolasha waweyn ee jaamacadda inaan u bixin doono hoolkii Cigaal.” Ayuu yidhi.

 

 

Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxame Xaaji Ibraahin Cigaal, ayaa 03, May 2002 ku geeriyoodey cisbitaal Milateri oo ku yaala dalka Koonfur Afrika, geeridaasina waxay saamayn iyo wer wer gelisay shacbiweynaha Somaliland oo wadnaha farta ku hayay, halka uu dalku ku danbayn doono.

 

 

Berberanews.com

Berbera, Saaxil

Email, info@berberanews.com