Xildhibaannada Keliya ee Somali uga soo baxday Maraykanka oo cunsuriyad xun iyo hanjabaad la kulantay

0

America-(Berberanews)-Gabadhii u horaysay ee Soomaali ah ee xildhibaanad ka noqota dalka Maraykanka ayaa sheegtay in lagula kacay hanjabaad iyo fal nacayb ah oo Islaamnimada ka dhan ah, oo ay kala kulan qof taksiile ka ah Washington DC.

Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaanadan laga soo doorto Minnesota ayaa sheegtay in taksiiluhu uu ugu goodiyay in uu xijaabka ka saari doono Arbacadii.

Xildhibaanaddu waxay sheegtay in taksiiluhu uu ugu yeedhay in ay tahay kooxda isugu yeedha Dawladda Islaamka, uuna ka siibi doono dharka asturan.

Booliiska Washington ayaa BBC-da u sheegay in illaa iyo hadda aanay soo gaadhin wax dacwad ah oo arrintaas laga soo gudbiyay.

Gabadhan oo 34 jir ah ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay qabsatay markii ay soo dhamaysay tababar ay ku soo qaadatay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Ilhaan oo xisbiga dimuqraadiga ka tirsan ayaa Maraykanka tagtay iyada oo yar, iyada oo ka tagtay xero qaxooti oo Kenya ku taalla._92881319_200a889c-3543-4b3d-9571-99e912bff264

Ilhaan ayaa Taariikh samaysay, saxaafadda caalamkuna ay aad u soo hadal qaaday ka dib markii ay ka guulaysatay in ay Minnesota ku matasho aqalka wakiilada.

Doorashadeeda ayaa timid maalmo uun ka dib markii madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykan Donald Trump uu soomaalida Donald Trump ku eedeeyay in ay faafinayaan afkaartooda xagjirka ah.

Xigasho Bbc