Xirsi: Xukuumaddu way ku fashilantay arrinta Ceel-afweyn

0

Hargeysa(Berberanews)-Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo aan in muddo ah lagu arag warbaahinta, ayaa qoraal uu soo saaray jimcaha maanta ku naqdiyey qorshaha iyo qaabka xukuumadda Madaxweyne Biixi u waajday nabadeynta colaada soo noqnoqotay ee deegaanka ceel-afweyn, la-wareegista hudheelka Hargeysa Club ee ay xukuumaddu la wareegtay, isagoo dhinaca kalena ka hadlay baaq dareen shacab ah oo muddooyinkii u dambeeyey la hadal-hayey.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadda ku sugan dalka Masarka, ayaa sidoo kale sheegay in iskaashi iyo gacmo wada jira lagaga gaashaaman karo cudurka Corona Virus, isagoo bulshada ku booriyey in ay u hogaansamaan talooyinka khubarada caafimaadka.

Hogaamiyaha oo qoraalkiisa ku baahiyey bartiisa Facebook,ciwaanna uga dhigay Ciid Wanaagsan, ayaa ku bilaabay sidan:

“Cibaadadii iyo camalkii wanaagsanaa Alle haynaga aqbalo, Karoona fayraska iyo Cudurada xunxun Alle haynaga nabadgelyo e qof kastow is illaali oo ku dedaal in aad raacdo tilmaamaha caafimaad ee ay bixinayaan aqoonyahanka iyo cidda u xilsaarani – intii dhimatay Alle haw naxariisto inta xanuunsanaysana Alle ha Shaafiyo. Dhibaatada waxaa lagaga gudbaa isku duubni iyo gacmaha oo la is qabsado, Gudiga Coved-19 gacan buuxda hala siiyo, iyaguna waa in ay deeqaha u qaybiyaan si xikmadaysan oo ku salaysan caabuqan iyo dhibaatadiisa.

Nabadda macaan iyo qadhaadh qiima kasta waa in aynu ku bixino si Somaliland usii jirto, Waxaa muuqata in xukuumadu Ceel-Afweyn ku fashilantay isla markaana ay burbureen dedaaladii nabadeed ee halkaa la geliyay dawlad iyo shicibba, waana boog iyo ceeb dadka reer Somaliland oo dhan ku taal mana aha in ay sii socoto.

Arrinta Huteelka Hargeysa Club waa arrin medeni ah mana aha in la xasaradeeyo, wakhtiga iyo dariiqa xukuumaddu u martay wuxuu u muuqdaa ficiltan iyo aargoosi saxna maaha, si kasta oo ay tahay waa in ay ka wada hadlaan dhinacyada ay khusaysaa (Maalgeliyaha/Xukuumaddu)

Baaq shacab waxaan u fahmay dhalinyaro iyo aqoonyahan jecel in ay wax toosiyaan balse si ujeedo badan ah loo dhex qaaday oo dhadhankii looga xumeeyay. Waxaan leeyahay qaranimadu waa lama taabtaan, Somaliland afti shacab ayuun baa wax lagaga bedeli karaa, laakiin xaq dastuuri ah ayay u leeyihiin in qarankii Somaliland ee 29 jirsaday ay saluug ka muujiyaan sidii loo soo hoggaamiyay iyo sababta umaddu himiladeedii u gaadhiwayday, waa la is waydiin karaa, waa la isku dhaliili karaa, waana la isku canaanan karaa. Maskaxo kala duwan oo doodo cilmiyaysan curiya iyo qalbiyo u midaysan yoolka bulshada ayaynu himiladeena ku gaadhi karaa, Somaliland bulshadaa wada leh, yaynaan kala ilaalin ee aan wada-ilaashano.

Ciidda ciideeda Ilaahay haynagu gaadhsiiyo caafimaad, nabad, bashbash iyo barwaaqo.