Xisbiga Kulmiye oo tallaabo ka qaadaya Xubno ka tirsan oo ka Qayb-galay Caleemo-saarkii M/weynaha Jubbaland

0

Hargeysa (BerberaNews)- Xisbiga talada dalka hoggaamiya ee Kulmiye, ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadayaan xubno ka tirsan xisbigooda oo ka Qayb-galay xafladdii Caleemo-saarka ee Madaxweynaha Maamul-goboleed Soomaaliya ee Jubaland Axmed Madoobe oo shalay ku qabsoontay magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo u warramay telefishanka SAAB oo wax ka weydiiyey go’aanka xisbigoodu ka qaadanayo xubnaha ka tirsan ee shirka ka qayb-galay, ayaa sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan xubnahaas.

Muuqaalka Hoose ka daawo warkan oo dhammeystiran