Xisbiga UCID oo magacaabay masuulliyiin cusub

0

Hargeysa-(Berberanews)-Xisbiga Mucaaridka UCID, ayaa maanta magacaabay masuulliyiin cusub oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Maamulka iyo Qorshaynta, Xoghayaha Dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo Xoghayaha Arrimaha Bulshada.

War-saxaafadeed uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa u qornaa sidan;
“Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la magacaabo Xoghayayaasha Banaan ee Xisbiga UCID, markuu la tashaday Guddida Fullinta, markuu la tashaday Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Gudoomiyuhu isaga oo raacaya Qod 22aad Markuu ku qancay kartida iyo wax-qabadka ay leeyihiin waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 04/11/2013 uu magacaabay Xubnahan hoos ku qoran:
Eng. Maxamed Mahdi Maxamuud (Buubaa)
Xoghayaha Maamulka & Qorshaynta ee Xisbiga UCID
Maxamuud Cali Madoobe (Jiir)
Xoghayaha Dhalinyarada & Ciyaaraha ee Xisbiga UCID
Cabdiraxmaan Axmed Cali
Xoghayaha Arimaha Bulshada ee Xisbiga UCID
Ismaaciil Cabdi Ismaaciil
Gudoomiyaha Abaabulka & Wacyegelinta ee Gobolka M/Jeex ee Xisbiga UCID.”