Xisbiga Waddani oo baaq u diray dadweynaha Somaliland iyo Baarlamaanka

0

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun, ayaa dadweynaha ugu baaqay in ay aad uga raariciyaan khudbada maalinta Beri ah madaxweyne Muuse Biixi ka jeedin doono labada Gole Baarlaman.

Waxa kale oo uu xildhibaanada labada gole u jeediyey in ay masuuliyada ka saaran ilaalinta qaranka ee loo wakiishay, sidaasi darteed ay madaxweynaha wax ka waydiiyaan kulankii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeen Batuun oo wariyeyaasha kula hadlay Magaalada Hargeysa Isniintii, ayaa geesta kale guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ka beri yeellay in uu wax ka ogaa kulanka labada madaxweyne ku dhex maray Addis Ababa.

Halkan ka Daawo Muuqaal: