Xisbiga Waddani oo ku dhawaaqay inuu fashilmay shir u socday iyaga iyo Kulmiye

0

“Nasiib Daro Waxaan U Sheegayaa Bulsho Weynta Reer Somaliland In Labadii Qodoba Aanaan Heshiis Ka Gaadhin, Labadaa qodob oo ahaa………” 

Hargeysa (Berberanews)– Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay inuu fashilmay isla markaana lagu kala kacay shir maalmihii ugu dambeeyey iyaga iyo xisbiga Kulmiye uga socday magaalada Hargeysa, kaas oo lagaga wadahadlayey qabsoomida doorashada Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka ee Somaliland oo muddoba muran ka taagnaa.

Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan hogaanka sare ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sidaasi qaar ka mid ah Warbaahinta u sheegay “Isniintaa maanta Isniinteedii ayay ahayd maalintii aanu Madaxtooyada isugu tagnay oo shir uu gudoominayey Madaxweynuhu, saddexda xisbi qaranka ay ka qaybgaleen halkaana ay ka soo baxday oo waliba qolada Kulmiye ay codsadeen in xisbiga Waddani iyo Xisbiga UCID ay waliba gooni isku arkaan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka