Xisbiga Waddani oo wacdaro ka dhigay caasimadda maalintiisii afraad ee Ololaha tartanka Madaxtooyada

0

Hargeysa(Berberanews):- Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee ku dhaqan Caasimadda Hargeysa, ayaa Maalintooda afraad ee ololaha doorashada Madaxtooyada Xisbigaasi u leeyahay isu-soobax ay cududdooda taageero ku muujiyeen ka sameeyey Hargeysa, waxaanay isugu soo biyo-shubteen Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa, halkaas oo ay Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Xisbiga Waddani ka tirsani kala hadleen Bulshada, Farriimo kululna ugu direen Xisbiga Kulmiye ee tartanka wayni ka dhexeeyo.

Sidii ay Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa isugu soo baxeen maanta Beerta Xorriyadda ee Caasimadda iyo Farriimaha ay Masuuliyiinta Waddani u direen Xisbiga Kulmiye, waxaannu Warbixintooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-