Berbera News | Daily News Update

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo hakiyay wada-hadal u socday dawladda

Hargeysa (Berberanews)- Xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa waxaa ay maanta sheegeen in ay hakiyeen wada hadal u socdey xukuumada kaas oo ku saabsan doorashooyinka soo socda iyo guddida doorashooyinka.

Xisbiga WaddaIn waxaa uu sheegay in uu wada hadalka la tagay qorshe ah in la kala diro koomiishanka doorashooyinka Somaliland kaas oo laga diiday.

Sidoo kale xisbiga UCID ayaa waxaa uu sheegay in uu wada hadalkaas la tagay qorshe ah in laba xubnood loogu daro laba xisbi koomiinshanka doorashooyinka isla markaana iyagana lagu diiday.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka