Xogaha Ku Duugan Buurta Wagar

0

Buurta Wagar waxay ka mid tahay buuraha Allaah Koreeye uu ku dhaabay carrada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna 35km dhinaca bariga kaga beegantahay Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxiil, iyadoo marka aad dhinaca bari uga dhaqaaqdo magaalada Sheekh ee aad joogto tuulada Gugux ay si toos ah kuugu muuqanayso Buurtan Wagar oo   si hannaansan isku daba taal.

Buurta Wagar waxay ka mid tahay buuraha ugu dhaadheer dalka Somaliland, iyadoo ay buurta ugu dheer Somaliland ay tahay buurta Surat oo ku taal Ceerigaabo, Buurta Wagar waxay jooga Badda ka saraysaa 1991 mitir halka dhinaca Bedka ay ku fadhidaa yahay 16800 hectares,sida ku cad xogta ay hayso Wasaaradda horumarinta deegaanka

Bilowga Buurta Wagar waxaad cagta saaraysaa dhabbooyin ay ka carraabaan lo’ jirada ama Dhoombirka   buurta Wagar dusheeda ku haysta Lo’da taas oo aad loogu dhaqdo. Waxaad halabsanaysaa jaranjarooyinka dabiiciga ah ee midiba mid kuu dhiibayso, waxaanad hadba ku nasanaysaa bannaano ay Buurahani ku soo shubaan Biyaha, halkaas oo ay ka baxaan doogga iyo dareemada noocyada badan ee duunyada iyo ugaadhuba calafsadaan.

Marka aad jooga sare u sii baxdabba, waxaa ku xanxantaynaya neecaw iyo uduga udgoon ee isku lammaan oo ka soo kamkamaya dhirta noocyada badan ee  dhulkeena Alaheen ku manaystay sida Xiiska, geed Xamarka, Riidhaha, Iscadaysta, shadaabka, Adaarka, Khamuunta, Toonta, Hisqadoolaha, Caladhiyaha iyo geedo kale oo badan oo udgoonka lagu mannaystay

Waxaa indhahaaga soo jiidanaya midabada kala jaad-jaadka ah ee ubaxa geedaha ku marriiman ee babaca iyo dusha buurtaas ka bidhaamaya, muuqaalada geed-gaabka, geedaha dhexe iyo geedaha geedo kale ka dul-baxay, sida dhillowyahanka iyo kuwa dhagaxaanta kuraha Buurtan dushooda ka soo lusha, ayaa ah muqaalo cajiib ah oo ina tusaaya hodantinimada Buurta Wagar.

Geedaha jiridda weyn ee laamaha xoogan ee dhererka sheegtay, sida Bardaha, Wagarka, Dayibka, Xasayda, Shayda, Dhammasta iyo qaar kaloo badan, ayaa madaxa la galay daruuro googoos ah oo dul hoganayay buurta Wagareed.

Luuqda googooska codka shimbiraha ee isaga gooshaya geedaha dhaadheer ee buurta Wagar ayay naftu jeclaysanaysaa markaanu dhex maraynay kaymaha jiqda ah ee buurtan, waxaa nagu weehanaysay shinbirta caanka ah ee Shibir malabta taas oo kuu hogaaminaysa Jiridaha xordan ee Malabku Shinidu dhaansanyahay.

Dusha buurta Wagar, waxaa ka samaysan durduro biyo macaan oo aan gudhin Gu’ iyo jiilaal, kuwaas oo ka soo shalwanaya dhagaxaanta kala saraysa, Buurtan waxay ku soo kordhiyaan bilic, dugaaga iyo duunyada ku nool buurtana way ka cabaan

Wagar waxaa ka samaysan Qalcado ay degenaayeen ciidamadii Boqortooyada Ingiriiska xiliyadii Afrika la qaybsaday ee uu dhulka Somaliland qaybta u heley, dhererka buurta Wagar ayaa u saamaxday in uu ciidamadiisa dejiyo, si uu uga ilaaleeyo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed  dusha sare ee Buurta Wagar ee xeebaha eegaysa oo loo yaqaan Tamaamur ayaa ah meel laga arko Maraakiibta dagaalka, haddiiba ay ka soo dhawaadaan xeebahaasi Bada-Cas sida uu ii sheegay Cali Axmed Cabdillaahi oo ah Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmada Sheekh.ayaa yidhi ciidamadii ingiriisku waxay deganaayeen qalcadaha buurtan dusheeda iyagoo meelahani ahaayeen kuwo muhiimad weeyn u lahaa sii joogitaankoodda.

Maqaamka Sheekh Maxamed Shariif oo aan booqanay ayuu Maxamed Ibraahim Axmed noo sheegay in xidhiidh weyni ka dhexeeyay degaanka Wagar iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo wakiilo ka mid ahi ay iman jireen. Intii aanu ku sugnayn Maqaamka waxay dadyowgii aanu waraysanay noo sheegeen in siyaarada Sheekh Maxamed Shariif la isugu yimaado oo halkaasina lagu Alla baryo, qaxwahii na lagu sooray bilaalayaashii la socday waxaa ku xardhanaa calaamadahii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, waana caddaymo muujinaya in Buurta Wagar tahay Diinta Islaamku  meelahii ay ku soo horaysay.

Qaybaha degaanada buurta Wagar ee aanu socodka ku marnay, waxaa ka mid ahaa Barde, Lugyo-bud, Karinta-qoryaale, Dheg budlayaal, Sisibaale, Shabeel-ku-galgalay, Sooma-days, Qori-godle, Sac-ma-deeq, Dhalaalweyne, Axmed Gurey iyo Tawaawir meelahan ayaa ah degaanada ugu muhiimsan ee buurta dusheeda ugu caansan, sida uu ii caddeeyay Maxamed Ibraahim Axmed oo deegaanadaas Waylaha ku raaci jiray.

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Degaanka Somaliland Mr. Cabdoo Xasan Jaamac oo nooga waramay qorshaha dawladda Somaliland ay ka leedahay Buurta Wagar, ayaa noo caddeeyey inay ilaaliyaan buurta Wagar, isla markaasina ay u aqoonsan yihiin deegaan muhiim u ah Dalka, dhawaana ay seerayaasha ay hore u marin doonaan, Isuduwe Cabdoo ayaa intaas ku daray in geedaha buurtan Wagar ka baxaa ay yihiin geedo qiimo badan oo nadir ku ah aduunyadda

Ugu danbayn buurtan Wagar ayaa ah mid tamashlaha iyo dalxiiska ku fiican waxaana dhul muhiim ah oo lagu sheego in ay ku duugantahay aataar qadiimi ah oo aan wali lingaxa laga furin

Qormadan ayaanu intaas ku soo gabagabaynaynaa

Wabilaahi Towfiiq

Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye