Xogaha Ku Duugan Buurta Wagar

0

Buurta Wagar waxay ka mid tahay buuraha AllaahKoreeye uu ku dhaabay carrada dalka JamhuuriyaddaSomaliland, waxayna 35km dhinaca bariga kagabeegantahay Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxiil, iyadoo marka aad dhinaca bari uga dhaqaaqdomagaalada Sheekh ee aad joogto tuulada Gugux ay sitoos ah kuugu muuqanayso Buurtan Wagar oo   sihannaansan isku daba taal.

 Buurta Wagar waxay ka mid tahay buuraha ugudhaadheer dalka Somaliland, iyadoo ay buurta ugudheer Somaliland ay tahay buurta Surat oo ku taalCeerigaabo, Buurta Wagar waxay jooga Badda kasaraysaa 1991 mitir halka dhinaca Bedka ay kufadhidaa yahay 16800 hectares,sida ku cad xogta ay hayso Wasaaradda horumarinta deegaanka

 Bilowga Buurta Wagar waxaad cagta saaraysaadhabbooyin ay ka carraabaan lo’ jirada amaDhoombirka   buurta Wagar dusheeda ku haystaLo’da taas oo aad loogu dhaqdo. Waxaadhalabsanaysaa jaranjarooyinka dabiiciga ah eemidiba mid kuu dhiibayso, waxaanad hadba kunasanaysaa bannaano ay Buurahani ku soo shubaanBiyaha, halkaas oo ay ka baxaan doogga iyodareemada noocyada badan ee duunyada iyougaadhuba calafsadaan.

Marka aad jooga sare u sii baxdabba, waxaa kuxanxantaynaya neecaw iyo uduga udgoon ee iskulammaan oo ka soo kamkamaya dhirta noocyadabadan ee  dhulkeena Alaheen ku manaystay sidaXiiska, geed Xamarka, Riidhaha, Iscadaysta, shadaabka, Adaarka, Khamuunta, Toonta, Hisqadoolaha, Caladhiyaha iyo geedo kale oo badanoo udgoonka lagu mannaystay

Waxaa indhahaaga soo jiidanaya midabada kala jaad-jaadka ah ee ubaxa geedaha ku marriiman ee babacaiyo dusha buurtaas ka bidhaamaya, muuqaaladageed-gaabka, geedaha dhexe iyo geedaha geedo kale ka dul-baxay, sida dhillowyahanka iyo kuwadhagaxaanta kuraha Buurtan dushooda ka soo lusha, ayaa ah muqaalo cajiib ah oo ina tusaayahodantinimada Buurta Wagar.

Geedaha jiridda weyn ee laamaha xoogan eedhererka sheegtay, sida Bardaha, Wagarka, Dayibka, Xasayda, Shayda, Dhammasta iyo qaar kaloo badan, ayaa madaxa la galay daruuro googoos ah oo dulhoganayay buurta Wagareed.

Luuqda googooska codka shimbiraha ee isagagooshaya geedaha dhaadheer ee buurta Wagar ayaynaftu jeclaysanaysaa markaanu dhex maraynaykaymaha jiqda ah ee buurtan, waxaa naguweehanaysay shinbirta caanka ah ee Shibir malabtataas oo kuu hogaaminaysa Jiridaha xordan eeMalabku Shinidu dhaansanyahay.

Dusha buurta Wagar, waxaa ka samaysan durdurobiyo macaan oo aan gudhin Guiyo jiilaal, kuwaasoo ka soo shalwanaya dhagaxaanta kala saraysa, Buurtan waxay ku soo kordhiyaan bilic, dugaaga iyoduunyada ku nool buurtana way ka cabaan

Wagar waxaa ka samaysan Qalcado ay degenaayeenciidamadii Boqortooyada Ingiriiska xiliyadii Afrikala qaybsaday ee uu dhulka Somaliland qaybta u heley, dhererka buurta Wagar ayaa u saamaxday in uu ciidamadiisa dejiyo, si uu uga ilaaleeyo BaddaCas iyo Gacanka Cadmeed  dusha sare ee BuurtaWagar ee xeebaha eegaysa oo loo yaqaan Tamaamurayaa ah meel laga arko Maraakiibta dagaalka, haddiiba ay ka soo dhawaadaan xeebahaasi Bada-Cassida uu ii sheegay Cali Axmed Cabdillaahi oo ah Xoghayaha Dowladda Hoose ee degmadaSheekh.ayaa yidhi ciidamadii ingiriisku waxaydeganaayeen qalcadaha buurtan dusheeda iyagoomeelahani ahaayeen kuwo muhiimad weeyn u lahaasii joogitaankoodda.

 Maqaamka Sheekh Maxamed Shariif oo aanbooqanay ayuu Maxamed Ibraahim Axmed noosheegay in xidhiidh weyni ka dhexeeyay degaankaWagar iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo wakiiloka mid ahi ay iman jireen. Intii aanu ku sugnaynMaqaamka waxay dadyowgii aanu waraysanay noosheegeen in siyaarada Sheekh Maxamed Shariif la isugu yimaado oo halkaasina lagu Alla baryo, qaxwahii na lagu sooray bilaalayaashii la socdaywaxaa ku xardhanaa calaamadahii BoqortooyadiiCusmaaniyiinta, waana caddaymo muujinaya in Buurta Wagar tahay Diinta Islaamku  meelahii ay kusoo horaysay.

Qaybaha degaanada buurta Wagar ee aanu socodkaku marnay, waxaa ka mid ahaa Barde, Lugyo-bud, Karinta-qoryaale, Dheg budlayaal, Sisibaale, Shabeel-ku-galgalay, Sooma-days, Qori-godle, Sac-ma-deeq, Dhalaalweyne, Axmed Gurey iyoTawaawir meelahan ayaa ah degaanada ugumuhiimsan ee buurta dusheeda ugu caansan, sida uuii caddeeyay Maxamed Ibraahim Axmed oodeegaanadaas Waylaha ku raaci jiray.

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta DegaankaSomaliland Mr. Cabdoo Xasan Jaamac oo noogawaramay qorshaha dawladda Somaliland ay kaleedahay Buurta Wagar, ayaa noo caddeeyey inayilaaliyaan buurta Wagar, isla markaasina ay u aqoonsan yihiin deegaan muhiim u ah Dalka, dhawaana ay seerayaasha ay hore u marin doonaan, Isuduwe Cabdoo ayaa intaas ku daray in geedahabuurtan Wagar ka baxaa ay yihiin geedo qiimo badanoo nadir ku ah aduunyadda

Ugu danbayn buurtan Wagar ayaa ah mid tamashlahaiyo dalxiiska ku fiican waxaana dhul muhiim ah oolagu sheego in ay ku duugantahay aataar qadiimi ah oo aan wali lingaxa laga furin

Qormadan ayaanu intaas ku soogabagabaynaynaa

Wabilaahi Towfiiq

 

Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye