Berbera News | Daily News Update

Xogta Dahsoon Basaaskii ugu geesisanaa taariikhda Wardoonka

Colaadii qaadiisiyah ee muslimiinta iyo faaris dhexmartay ayaa hogaamiyahii ciidanka muslimiintu sacad ibnu abu waqaas waxa uu diray dalxatu ibnu khuweyli alsubaydiyi, si uu ilaalayn ugu soo sameeyo fadhiisimada cadowga, waxana uu dulayxa keligii u xilsaarnaa iinuu keeno xogta xeryaha ciidamada furuska, waxaana lagu sii daray hal askari si uu xogta ugu soo dhiibo, ambabxoodii ka bacdi markii ay qiyaastii 7 km oo keliya ka sii socdeen xeryahii ciidanka muslimiinta ayaa waxay isha ku dhufteen faras aad u cad kaasoo ka mid ahaa korjoogihii ciidankii faarisiyiinta ee uu horkacayey janankoodii Rostum oo ay dagaalada uga dambayn jireen.