Berbera News | Daily News Update

Xogta Dahsoon Haweenaydii ugu awooda badnayd taariikhda

Mar kale iyo barnaamijkeenii xogta dahsoon oo aynu ku soo bandhigayno qaybo ka mid ah taariikhdii muslimiinta inaga oo dib ugu noqonayna taariikhda si aynu wax uga ogaano qisada haweenaydii ugu awoodda badnayd ee taariikhda soo marta, ku soo dhowaada barnaamijka

waa haweenaydii kulmisatay sifooyinka muuminiintu waana haweenaydii ilaahay ka raalli noqday, wana muuminadii allah ka cabsigeedu badnaa, kuna taagnayd dariiqa xaqqa ah oo aan marna ka leexanin, waana haweenaydii iimaankeedii kaga guulaysatay ee kaga adkaatay keligii taliyihii ugu xoogga weynaa taariilhda basharka aadmaha ahaana ninkii isula weynaa dadkii tariikhda soo maray