Xogta Dahsoon Qaabka Trump kaga fogaan karo dagaalka Iran

0

Mss Susana Rice oo ahayd la taliyahii amniga qaranka ee madaxweynahii hore ee maraykanka brack Obama ayaa waxa ay ku sifaysay istaraatiijiyada Donald trump ee amarada uu soo saaray amar lagu duqaynayo Iran dabeetana uu ka noqday inay tahay istaraatiijiyad fowdo ah, waxana ay u soo jeedisay dariiqo uu kaga fogaan karo dagaal uu la galo iran, iyadoo intaa raacisay inay halkaa tahay fursad uu ku soo celin karo wadahadal uu la furo jamhuuriyadaa islaamiga ah. WARBIXIN AY ARIMAHAA KAGA HADASHAY SUSANA rice oo lagu baahiyey jariirada newyork times shalay isniintii ayaa waxa ay ku sheegtay in hadii ay dadku rumaystaan waxa uu yidhi ay ahayd in maraykanka ay 10 daqiiqo oo keliya ka xigtay dagaal ay la galaan Iran, iiraana aanay raalli ka ahaayeen duqayn loo gaysto, illaa bilowgii xiisaddana ay laga dhetegsanaa in colaad qaraxdaa ay galaafanayso nolosha kumanaan ciidamada maraykanka ah oo khaliijka ku sugan.