Berbera News | Daily News Update

Xukuumadda Oo Soo Gunaanadeysa Xudunta Khilaafka Jabhadda Caare iyo Dhaqdhaqaaqyada Loogu Dabqaadayo Labadda Dhinac oo Dareen Dhalisey

Ceerigaabo(Berberanews)-Dhaqdhaqaaq lagu soo Gunaanadayay xudunta khilaafka u Dhexeeyay Jabhada Korneyl Caarre iyo Xukuumada Somaliland oo indhawaale soo taxnaa, ayaa lagu waddaa in uu Toddobaadkan soo gabagaboobo,Kadib markii khilaafkaasi uu ku dhacey Suul-daarro ka yimid Gudaha Ciidanka Qaranka gaar ahaana Taliska Qeybta Ciidamada ee Sanaag,Waxaana Maalintii shaley aheyd si kadis ah isugu dhacey Ciidanka Caarre ee Markii hore ka goostey Somaliland iyo Guutto katirsan Ciidanka Qaranka kuwaas oo aan ka Warqabin dhaqdhaqaaqyada Xukuumadda iyo Jabhadda Caare ee isku soo Noqoshadda.

Hadalhaynta arintan ayaa,si xoogan usoo baxdey habeenkii xaley ahaa, markii ay dhaawacyo soo kala gaadheen Ciidanka Caarre iyo Guutadda katirsan Ciidamada Qaranka Somaliland inkastoo, amarkaas iyo isa seega dhacey laf ahaantiisa markiiba la xaliyay Wali Waxa socda Dedaalo xoogan oo, lagu soo gunaanadyo khilaafkaasi in muddo ah soo taxnaa iyaddoo Geesta kale ay jirraan dareeno lagu xidhiidhinayo,in Weerarkii dhinaca Beelaha ee dhawaan dhacey,laf ahaantiisa loo aanaynayo in uu dabadda ku hayay walaac laga qabbo soo Noqoshada uu dalkiisa hooyo kusoo laabanayo Caarre kaas oo ay Siweyn u saluugsan yihiin Beel kamid ah Beelaha Ceel-Afweyn oo iyagu naruuro ka dhiganaya khilaafka Caarre iyo Xukuumada Smaliland laakiin hada soo dhamaadey.

Shacabka Somaliland Qeybo badan oo kamid ah oo Xanshashaqa Warkan si teel teel ah u Maqley ayaa siweyn oo laab lakac ah usoo dhaweeyay haddiiba ay ku guulaysato Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ay Wax weyn ka baddeli doonto Colaada soo noqnoqtay ee Ceel-Afweyn oo saamayn ku yeelatey Goboladda Barri ee Dalka gaar ahaana Galbeedka Gobolka Sanaag, iyaddoo Sababta Caarre iyo Ciidankiisu uga falaagoobeen Ciidamada Qaranku ay marka hreba ku Xidhiidhsan Tahey Caddaalad Darro ka dhacdey Colaadda Labada Beelood ee Ceel-Afweyn oo Beel kamid ahi ay Axdigii jabiyeen in ka badan Labaatan jeer Islamarkaana, aaney ilaa iyo hadda Waxba ka fulinin Cahdiyadii iyo Dhaartii loo kala dhigay Labada Dhinac.

Warbixin Berberanews