Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay baaq kasoo yeedhay Madaxweynaha Puntland

0

Hargeysa(Berberanews):- Afhayeenka Xukuumadda Somaliland ahna Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Maxamed Muuse Diirye, ayaa maanta ka jawaabay baaq uu Somaliland u soo diray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani iyo mawqifka Xisbiga Waddani ka istaagay mooshinkii xisbiyada ee shirguddoonka golaha wakiilladu laalay Sabtidii.

Shir Jaraa’id oo uu Wasiirku maanta ku qabtay Hargeyda, ayuu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay. Waxaanan warkiisa idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan:-