Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay Shirweyne Qaran oo lagu Lafo-gurayo Adeegyada Caafimaad ee dalka iyo Caqabadaha jira

0

Hargeysa (BerberaNews)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi Bade, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay dhawaan qabanayaan Shirweyne Qaran oo lagu lafa-guri doono Arrimaha Caafimaadka, kaas oo ay bar-bar socoto Carwo dhinaca caafimaadka ah oo lagu soo bandhigi doono adeegyada Caafimaad ee dalka ka jira.

Shirweynaha Caafimaad oo noqonaya kii ugu horeeyey noociisa ee lagu qabto dalka muddadii Somaliland jirtay, waxa u Wasiirka Horumarinta Caafimaadku sheegay inay wasaarad ahaan soo qaban-qaabiyeen diyaarinta Carwadii ugu horeysay Caafimaad oo kulminaysa Mihnadleyaasha Caafimaadka, Goobaha adeegyada Caafimaad u qabta bulshada, hay’adaha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera kalana shaqeeya dhinaca Caafimaadka.

Shirweynaha Caafimaad ee Caafimaad oo masuuliyada qaban-qaabadiisa gacanta ku hayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo kaashanaysa urur Caafimaad oo dalka ka hawl-gala, ayaa loo muddeyey inuu 16-ka Bisha November ee sannadkan ka furmo Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu ka socon doono muddo Shan maalmood ah, waxaanu wasiirku sheegay in lagu soo bandhigi doono adeegyada Caafimaad ee ay bixiyaan daneyaayaasha iyo mihnadleyda dalka kaga shaqeysata.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKA HOOSE