Xukuumaddu maxay uga damqan weyday masiibadda daadka ee shacabku ku dhammaaday?

0

Hargeysa-(Berberanews)-Ilaahay baa mahad leh inooga gargaaray dhibaatadii abaarta  dabada dheeraatay ee dad iyo duunyaba galaafatay nolosha kumannaan qoys.

Nimco kastaa nusqaanteeda ayay leedahee,Daadadkii ka soo rogmaday roobabka ka da’ay Somaliland waxay galaafteen nolosha dad badan oo ay qaadeen dooxyadu iyo hanti u badan gaadiid.

Naf kastaa maalinteeda ayay dhimanaysaa, laakiin waxaa nasiib darro ah in aan xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Silaanyo, aanay soo hadal qaadin dadka iyo duunyadauu la tegay daadku, islamarkaana aanu muuqan wax qorshe ah oo dawladda uga yaala dhibaatada sannadkasta taagan ee dooxyadu ku hayaan bulshada,halka ay wakhti badan gelisay dhaqaalihii loogu tallo-galay gurmadka abaaraha oo ilaa iyo imika aan la garanayn meesha ay gashay iyo siday u baxday.

Haddii ay dawladdu wax ka qaban weyday sidii Biriijyo loogu samayn lahaa dooxyadaas ama la iman weyday qorshihii ay ku dhisi lahayd, miyay awoodi weyday inay ciidammada Qaranka geyso Dooxyada shacabku ku dhamaaday,si loo badbaadiyo shacabka? Mise waa meel aan macal ool kuma mashquulo!!

Qorashayaasha Berberanews