XULASHADA IYO XIISAHA: Wiil Yar oo Jidhkiisu Booratiinka ku jira u Beddelayo Sun

0
Berberanews-Wiil yar oo 10 jir ah, una dhashay dalka Ingiriiska ayaa ay hayaaa mid ka mid ah xannuunada naadirka ku ah dunida, sababtoo ah wuxuu jidhkiisu booratiinka ku jira u beddelaya sun halis ah, waxaana suntaas lagaga badbaadiya cunto sonkortu ku badan tahay.
Archie Koncher waxa uu ka mid yahay saddex qof oo dalka Ingiriiska uu hayo cudurka la yidhaa Propionic Aciduria, taasoo macnaheedu tahay in booratiinka jidhkiisa ku jira isu beddelayo sun halis ah oo dhaawac u gaysanaysa xubnaha ugu muhiimsan ee bani’aadamka.uk boy
Wiilkan yar waa in maalintii la siiyo cunto ka kooban 25g oo booratiin ah, taasoo la id ah jeeg caano ah amma cunto kale oo sonkor leh si uu booratiinka jidhkiisa loogu ilaaliyo.



……………………

Cudurkan  oo ah mid aan la daawayn karin waxa lagula tacaala cabitaanka afar quraaradood oo ah caana loo yaqaan Lucozade oo qofku maalin kasta cabaayo, kuwaasoo siinaya tamar aanu cuntada ka heli karin.
Cabitaankan uu wiilkan qaato waxa lagu dara 33 malqacadood oo sonkor ah, waxaana waajib ah in maalin kasta intaas oo dhan la siiyo.
Dave oo ah aabbaha dhalay wiilkan yar, isla markaana dilaal ah waxa uu sheegay in ay daawo u waayeen xannuunka wiilkiisa yar, waxaannu yidhi; “Haddii uu dareemo daal, waa in la xannaaneeya, iyadoo aan wax shaki ah ku jirin cabitaankan la’aantii waxa na soo wajihi lahayd dhib aad u weyn, sababtoo ah waannu ka daalnay dhammaan cuntooyinka noocan ah.”

Wiilkan yar markii uu dhashay waxay dhakhaatiirtu kala kulmeen xaalad ay garan waayeen waxa uu yahay, balse markii uu sannadkii labaad gaadhay waxa kaadidiisa iyo dhiigiisaba baadhitaan lagu sameeyey laga ogaaday in xannuunkan aan daawada lahayn hayo.