Xulka Gobolka Saaxil oo 4-0 ku carraabiyay Xaysimo tartan-goboleedka Ciyaaraha Somaliland

0

Hargeysa (Berberanews) Tartanka koobka kubedda cagta ee gobolada Somaliland ayaa maanta si rasmiya uga bilaabmaya garoonka Hargeysa Steduim ee magaalada Hargeysa. Waxaana furitaankii tartanka kasoo qaybgalay madaxweyanaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo oo isagu furay kulankan bilowga tartanka ciyaaraha, waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay madaxda saddexda xisbi qaran iyo dadweyne aad u tiro badan.

Rubuuc dhamaadka tartanka kubadda Cagta ee Gobollada ayaa maanta waxay ciyaar xiiso iyo xamaasad wadata garoonka Hargeysa Stadium ku dhex martay xulalka gobollada Saaxil iyo Xaysimo, halkaasi oo Xulka Gobolka Saaxil ku badiyeen 4 gool iyo waxba.saaxil-vs-xaysimo 14606282_949190458519480_4540840321489230139_n

Jawiga ciyaarta ciyaarta maanta dhacday ayaa aad u deganaa, iyadoon haba yaraatee aanay jirin wax rabshado ah oo goobta ka dhacay, waxaana ay ahayd ciyaar ay taageerayaal farabadn kasoo qaybgaleen, iyadoo guud ahaan gobollada dalka oo dhan si toos looga dawaanayay ciyaartan.

Halkan ka Daallaco isku aadka Groups-ka oo ka kooban A, B, iyo jadwalka kulamada soo socdagroups