Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo 1-0 kaga adkaaday Zimbabwe.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Hambalyo u diray ciyaartoyda iyo macallimiinta Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo 1-0 kaga adkaaday Zimbabwe.

“Waxaad sharaf u soo hooyseen dalkiinna iyo dadkiinna, waxaana idiin  rajeynayaa in aad guul kala soo noqotaan lugta 2-aad ee ciyaartan.” ayuu  yiri Madaxweyne Farmaajo. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Cayaartan ayaa qeyb ka ah isreebreeb ah loogu diyaar garoobayo cayaaraha Koobka Adduunka ee sanadka 2022 ee ka dhici dalka Qatar, waxaana ay labada kooxood Soomaaliya iyo Zimbabwe ku wada cayaareen dalka Jabuuti.