Xuska Sanad Guuradii 9aad ee Geerdii Madaxweynihii Hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibrahim Cigaal

0

Maanta oo ay taariikhdu tahay 3 May waa Sanadguuraddi 9aad ee ka soo wareegtay geeridi naxdinta lahayd ee ku timi Maxamed X. Ibrahim Cigaal, alla ha u naxariistee Madaxweynihi salka u taagay dawladnimada iyo nabadda ay maanta Somaliland ku naalonayso isla mar ahaantaana ahaa Raisal wasaarihi ugu firfircoonaa dawlad Soomaaliyeed.

 

3 May 2002 goor ku beegan 03.00 galabnimo wakhtiga geeska afrika ayay ahayd marki la soo sheegay geeridi geesiga ka baxay Somaliland waxaana warkaasi uu shock ku noqday dhamaanba umadda Somaliland dal iyo dibedba.  Maxamed X. Ibraahim Cigaal ilaahay naxariistii janno ha siiyee wuxuu ahaa wiilkii curdeed ee Aabihii X. Ibraahim Cigaal iyo Hooyadii Khadiija Maxamed Cismaan oo isaga oo qudhaata wax dad ah lahaa, Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii 1929-kii Degmada Oodweyne ee Gobolka Tog-Dheer yaraantiisii, wuxuu ku barbaaray  Gobolka Saaxil halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii Malcaamada Quraanka  ilaa Dugsiga Sheekh,  waxaanu waxbarasho la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha u tegay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska Sanadkii 1950-1954-kii iyada oo uu markii uu dhamaystay waxbarashada uu u jeestay dhinaca Siyaasadda isaga oo aad u da’ayar ilaa yaraantiisiina sida la sheegay uu xiisayn jiray, Marxuum Cigaal wuxuu wadanka dib ugu soo laabtay dabayaaqadii Sanadihii Kontomeeyadii xiligaas oo ay Aloosnayd Dabayshii xornimo doonka, wuxuuna cigaal ka mid noqday xubnihii ugu firfircoonaa ee dhalinyaradii wakhtigii Ingiriiska u ololayn jirtay Xoriyadda iyo helitaanka Calan Madax banaan. 1958-kii Alla ha u Naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal waxa loo doortay in uu noqdo Xog-hayaha guud ee Xisbigii SNL, oo safka hore kaga jiray xisbiyadii u halgamayay gobonimo doonka Somaliland, Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal waxa uu hor kacayey Weftigii Somalailand ee Dalka Britian u tagtay sidii ay u soo heli lahaayeen Calan soomaaliyeed oo ka madax banaan Mustacmaradii Ingiriiska si ay xor u noqoto British Somaliland Protectorate, oo hoos iman jirtay Maamulka boqoradda,  25 MAY 1960-kii wuxuu marxuum Cigaal gacantiisa ku saxeexay in somaliland Xor-nimadeeda ka qaadato dawlada Ingiriiska Taariikhdu markay tahay 26-Juun-1960-ka markaas waxa Cigaal ku weheliyey Heshiiskaas Xubno ay ka mid ahaayeen Dube Cali Yere, Axmed Kayse, Suldaan C/Laahi Suldaan Diiriye, Suldaan C/Rashiid Suldaan Diiriye, Macheal Moriano iyo X. Ibraahim Nuur. Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu noqday Xog-hayihii u horeeyey ee Somaliland ka dib markay Xor-nimadeedee gaadhay 26-Juun-1960. Hadaba markii la helay madax-banaanida 26-Juun-1960-kii oo uu hormuud ka ahaa Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa Shacbiga reer Somaliland oo ay qiiro u haysay in ay arkaan Calan Umada Soomaaliyeed oo dhami ay wadaagto kuna naaloon jiray ayaa waxay markiiba Xubnihii hagayey Siyaasada Somaliland ay ku  biireen  Dawladii Soomaliya oo iyana 1-July-1960-kii Madax-banaanideeda ka qaadatay Dawladii Talyaaniga  Afar maalmood ka dib dhalashadii Calanka Somaliland iyaga oo xataa  haba yaraatee wax shuruud ah oo ay ku xidheen aanay jirin  waxaanay labadii Jamhuuriyadood sidaa ku noqdeen Dalkii la odhan jiray Soomaaliya.

 

Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu noqday Wasiirkii Gaashaan dhiga ee ugu horeeyey  Somaliya Maxamed X. Ibraahim Cigaal wuxuu kaluu noqday Wasiirkii Tacliinta ee Somaliya 1963-1964 hase yeeshee wuu iska casilay Golihii Wasiiradda ee Sanadkaasi, isagoo hogaamiye ka noqday Xusbi mucaarid ah oo la odhan jiray SNC markii danbana wuxuu  ku biiray Cigaal Xisbigii SYL, 10-kii July, 1967-kii wuxuu Cigaal noqday Raysal-wasaaraha Somaliya markii A/Rashid Ali Sharma’arke loo doortay xiligaasi Madaxweynaha Somaliya, Cigaal markale ayaa loo doortay Jagadaasi Raysal-wasaaraha doorashooyiinkii 1969-kii.

 

 

 

 

21 Oct 1969-kii markii Inqilaabka Military ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare uu ka dhacay wixii la odhan jiray Somalia Maxamed X. Ibrahim Cigaal wuxuu ahaa Ra’isal Wasaarihii ugu dambeeyey ee Dawlad Soomaaliyeed oo la doorto, waan ala xidhay, wuxuuna Cigaal xabsiga ku jiray ilaa iyo 1980-dii bishii February, marka laga reebo mudo sanad ka yarayd oo haayd 1975-kii ilaa 1976-kii, oo loo magacaabay Danjiraha Somalia u fadhiya New-Delhi ee dalka India, ka dibna isla markiiba xabsiga ayaa lagu celiye.

 

1985-kii waxa jirtay mar loo magacaabay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga,laakiin kumuu raagin jagadaas, waanu iska casilay.

 

 

 

Burburkii Dawladii Somalia ka dib, Cigaal wuxuu ka qayby galay Sanadkii 1992-dii, Shirkii  dib u heshiisiinta ee Somalia ee Jabuuti, 1993-kii bishii May 5-teedii Cigaal waxa loo doortay Madaxweynaha Somaliland iyadoo ay kula tartamayeen Madaxweynihii isaga ka horeeyey C/Raxman Axmed Cali (Tuur) Ilahay ha u naxariistee iyo Cumar Carte Qaalib, iyadoo jagadaasi dib hadana loogu doortay sanadkii 1997-kii oo ay kula tartamayeen Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal)oo hada ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, wakhtigii uu Marxuum Cigaal ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxyaabaha sida weyn loogu xasuusto waxa ka mid ah qaramayntii iyo hub ka dhigistii Maleeshiyaadkii ka jiray, aas aaskii Nidaanka Dawladeed iyo Hay’adaha Qaran iyo sal u dhigidii Nidaanka dimuqraadiyeed ee Somaliland ilaa maanta midhaheeda hadhsanayso.

 

Maxamed X. Ibrahim Cigaal wuxuu 28-kii bishii April ee 2002-dii uu daawayn dhakhtar u gegay dalka Koonfur Afrika iyadoo ay wehelinayso Marwadiisa Kaltuun X. Daahir iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradiisa ee Somaliland ee wakhtigaa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Arrimaha Dibada Maxamuud Siciid Gees, Wasiirka Warfaafinta C/Lahi Maxamed Ducaale.

 

Maxamed X.Ibrahim Cigaal Alla Ha u Naxariistee, waxa uu guursaday intii uu noolaa Shan Dumar ah, wuxuuna dhalay Shan Caruur ah oo kala ah Sadex Wiil iyo Laba Gabdhood, oo intaba ay u dhashay Alla ha u naxariistee Marxuumad Caasha Siciid Caabi.

 

Waxaan Ilahay uga baryayaa Maxamed X. Ibrahim Cigaal Halyeygii Somaliland in uu Naxariistii jano ka waraabiyo Qabrigana u nuuro, Aamiin.

 

 

 

 
Waxaan ku soo gabo-gabaynayaa maqaalkaygan qayb yar oo ka tirsan gabay qaali ah oo uu tiriye Xasan Cawad oo ku saabsan wax-qabadkii Alla ha u naxariistee Marxuum Cigaal.

 

* * * * *
Iyadoo Ardaa iyo ardaa

Eedi kala gaadhay

Oo Irida aad martaba qabiil

Amar ku taagleeyo

Ooy itaal isku sheegatoo miskiin

Loo arxami waayey

Ooy aarmi culus wada qaadatay

Amase Aakeega

Ooy amiir wada sheegatay iyo libaax

Wada amleynaya

Ooy utuni dhextaal Reerahan

Idil ahaantoodba

Oo uluuf iyo uluuf debada aadayso

Allaa noo gar-gaarayoo Cigaal

Aarkan soo diraye

Is afgaradba noogama horeyn udub dhigiisiiye

Idinba waad ogaydeen hadaan lays in kirahayne

Eberkuu ka soo qaaday baan cidi ilaabayne

Israace beelihii dhamaan

Kala iidhaysnaaye

Anigiina waataa la sugay

Idam ilaahaye

War-shadahan albaabadda loo furay iyo kuwo la eegayo

Iraadad shacbiga eebeheen

Waa la aqbalayaaye

Abidkeedna may iman

Halkay eege inoo tayahe

Ingireeska waa tuu ka kacay

Aradadeenaase

Odaygan mooyee waatay israac ku

Andacoodeene.

Afkaase loogu dhacay koonfurtii

Ololaheediiye

Inkaaraha dhacaayee waa dadkay

Nolol ku aaseene

Adkaatay Somaliland waana

Aragnaaye

Ilaahayow noo ajiib adaan

Iilan abidkaaye

 

Aamiin aamiin

 

 

 

 

 
Qalinki: Muna Ibrahim Adan                              

Emil: muna1005@hotmail.com