Xusni Mubaarik Oo Ka Codsaday Dawladda Sucuudiga Inay U Ogolaato Xajka

0

(Berbera news) Illo ka ag dhaw Madaxweynihii hore ee Dalka Masar Mohamed Xusni Mubaarik, ayaa sheegay in uu gaadhsiiyay Dawlada Sucuudiga inuu jeclaysanayo tagista Sucuudiga si uu soo gutto waajibka Xajka ee sanadkan , codsiga uu u gubdiyay Mubaarik ayaa waxa aad u soo dhaweeyay qaar ka mid ah Madaxda Dalkaasi sucuudiga sida lagu soo bandhigay wargeyska Al-masiyuun.

Sidoo kale waxa ay sheegtay warbixintaasi in madaxwayne Mubaarik uu la xidhiidhay qaar ka mid ah madaxda Dalka Sucuuidiga waxa aanay u ballan qaadeen in ay fududayn doonaan tagista Dalkaasi iyo waliba gudashada Waajibka Xajka ,Madaxwayne Mubaarik ayaa waxa loo fidiyay Cafis , waxaana marka hore lagu eedeeyay in uu Dil badheeh ah kulak aca qaar ka mid banaan baxayaashi ka so hor jeeday xukunkiisa sanadkii 2011kii.

 

Berbera news.