“1-da Luulyo waxay Somaliland ku tahay maalintii hooga” Faysal Cali Waraabe

0

Hargeysa-(Berberanews)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa wuxuu 1-da Luulyo ku tilmaamay maalin “hoog” aan shacabka Somaliland ku haboonaynayn.

“Waxaan qabaa in 1-da Luulyo waxay Somaliland ku tahay maalintii hooga waxayna noqotay maalintii midoobayd ee shacabka reer Somaliland xornimadoodii ay baaba’day oo ay hoos galeen maamul iyo awood juhala ah.” Ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo waraysi siiyay telefishinka Horn Cable.

“1dii July isku darka Somaliland iyo Somalia, sida uu sheegay ninka caqligiisu yahay sham jirka ah ee Farmaajo SYL may ahayn, SYL Somaliland mamnuc bay ahayd” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.