10 Ciyaaryahan Oo Chelsea ah Oo Semi-final Ku Dhaafay Barca Una Gudbay Finalka Champions League.

0

(Berberanews  Sports):- Chelsea ayaa iska xaadirisay finalka Champions League ka dib markii ay wadar ahaan ku dhaaftay Barcelona 3-2, iyadoo 10 ciyaaryahan oo Blues ay si fiican u difaacdeen islamarkaana kulankii lugta labaad ay ku dhameysteen barbaro 2-2 ah, iyadoo Fernando Torres iyo Ramirez ay ahaayeen geesayaasha kooxda ka dhisan dalka Ingariiska.

Barcelona ayaa fursado fiican heshay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo bilowgii uu fursado qasaariyay Lionel Messi, oo uu mar fursad qaali ah uu ka beeniyay goolhaye Peter Cech.

Labada kooxood ayaa dhaawacyo ay soo wajaheen 20kii daqiiqo ee ciyaarta u horeysay waxaana dhaawac ku baxay difaaca Chelsea Gary Cahill oo isaga is dhaawacay iyo difaaca Barcelona Gerard Pique oo uu dhaawacay saaxiibkiisa Victor Valdes mar ay isku dhaceen.

Lakiin fursadii ay ka faa’ideysteen Barcelona ayaa timid ka dib markii koorne ay heleen ay madax ku bixisay Chelsea lakiin Dani Avles ayaa kubad fiican u baasay Isaac Cuenca kaasoo isagana si fiican ugu dhigay Sergio Busquets oo helay shabaq banaan oo uu ku taaban karo.

Labo daqiiqo ka dib markii Barca ay dhalisay goolka daqiiqadii 35aad waxaa Chelsea casaan toos ah ka qaatay kabtankooda John Terry ka dib markii isagoo kubada ka fog uu jilib xaga danbe kaga dhuftay Alexis Sanchez, waxaana dhacdadaas garsooraha ogeysiiyay caawiyihiisa, isagana kama aanuu laab-laaban inuu casaan u taago.

7 daqiiqo ka dib casaankii John Terry Barcelona ayaa heshay goolkeedii labaad markii uu Lionel Messi kubad khatar ah u dhigay Iniesta oo ku jira diilinta ganaaxa kaasoo isna dabamariyay goolhaye Petr Cech. 

Inkastoo Barcelona ay qeybtii hore ee ciyaarta ay kubada heysatay 74% hadana Chelsea oo 10 ciyaaryahan ah ayaa dhamaadkii qeybta hore heshay fursad qaali ah markii Ramires kubad uu u dhiibtay Lampard uu boos u sii qaatay, iyadoo Frank uu baas fiican u dhigay, lakiin ciyaaryahanka reer Brazil ayaa goolkaas u dhaliyay si cajiib ah isagoo ka dulqaaday goolhaye Victor Valdes.
Daqiiqadii 48aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Barcelona ay durbadiiba heshay fursad fiican ka dib markii Didier Drogba uu qalad ku galay diilinta ganaaxa dhexdeeda ciyaaryahan Cesc Fabregas, waxaana garsooraha Turkiga uu tilmaamay inay rikoodhe tahay.

Lionel Messi ayaa u soo joogsaday rikoodhadii loo dhigay Barcelona lakiin birta ayuu ku dhuftay. Messi ayaan weli shabaqa ka soo taaban Chelsea, waxaana uu sidoo kale qeybihii danbe ee ciyaarta uu kubad khatar ah birta ugu dhuftay Chelsea.

Inkastoo Barcelona ayaa cadaadis xoogan saartay goolka Chelsea hadana waa ay keeni waayeen goolkii ay u baahnaayeen, lakiin taas bedelkeeda dhamaadkii ciyaarta ayaa ciyaaryahan Fernando Torres uu kubad banaan ku helay Victor Valdes waxaana uu si xarago leh ugu hubsaday shabaqa.

50 Milyan ginni oo ay ka soo bixiyeen June sannadkii hore Fernando Torres waxa uu ugu abaalguday gool u xaqiijiyay inay iska xaadiriyaan finalka Champions League ee Munich ka dhacaya 19ka bisha May.

Waa habeen aanay ilaawi doonin kooxda Chelsea ka dib 10 ciyaaryahan oo ay ku difaacdeen guushoodii 1-0 ee ay ku soo gaadheen Stamford Bridge waxaana ay haatan ku soo baxeen wadar ahaan 3-2.

Chelsea ayaa finalka la ciyaari doonta kooxdii habeen danbe soo baxda Real Madrid iyo Bayern Munich, inkastoo ganaax ay kaga maqnaan doonaan ciyaartoy tayo leh oo ay ka mid yihiin John Terry, Ivanovic, Ramires iyo Meireless.

Mustafe Maxamud Diirye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports