13 qof oo ku dhintay weerrarkii Barcelona

0

Nin ayaa gaadhi jiidhsiiyay dad badan oo ku sugnaa xaafadda Las Ramblas ee caanka ku ah dalxiiska ee magaalada Barcelona.

Dowladda gobolka Catatan ayaa sheegtay in ugu yaraan 13 qof halkaasi ay ku dhinteen halka 80 kalana ay ku dhaawacmeen.

Booliska Spain ayaa weerrarkaasi ula tacaalaya sida weerar argagixiso oo kale.

Boqollaal dalxiisayaal ah iyo dadka deegaanka ayaa gabbaad ka dhigtay dukaamo iyo kaniisado, xilli booliska ay bilaabeen inay baacsadaan darawalkii waday gaadhiga dadka jiidhay.

Qof laga shakiyay ayaa la xiray, walow aanay caddeyn in uu gudaha ugu jiray gaadhiga.

Sidoo kale booliska ayaa magacaabay qof labaad oo laga shakisan yahay oo ay ku sheegeen inuu asal ahaan ka soo jeedo Waqooyiga Afrika, kaas oo ay rumaysan yihiin inuu gaadhiga soo kiraystay.

Booliska ayaa goor sii horreysay sheegay inay baarayaan gaari labaad oo lala xiriiriyay weerrarka.

Steven Turner oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegey in uu arkayay gaari xawli ku socda oo dadka la jiirsiinayo “Waxaan arkay illaa 4 qof oo dhulka yaala” ayuu yidhi.

Xigasho BBC Somali