130 Xildhibaan Oo La Sheegay Inay Saxeexeen Mooshin Ka Dhan Ah Madaxweynaha Somalia

0

Muqdisho (Berbera news) Mudanayaala tiraddoodu gaadhayso 130 oo ka tirsan Baarlamaanka Somaaliya ayaa la sheegay inay saxeexeen Mooshin Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Xukuumadda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud xiligan safar ugu maqan Dalka Imaaraadka.

 

 

Ilo-xogogaal ah  oo ku sugan Magaaladda Muqdisho ayaa Shabakadda Berbera news u sheegay in Mudanayaashan Mooshinka saxeexay ay la sugayaan Madaxweynaha xiliga uu dib ugu soo laabto Magaaladda Muqdisho.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taladda Somaliya hayay muddo bishii September sanadkii 2012-ka, isaga oo cod ay ku doorteen Baarlmanaaka Somaliya, waxaana muddadaasi ka dib uu la kulmay culayso Siyaasadeed oo kaga yimid Beelaha dega Koonfurta Somaliya iyo Maamuladda ka dhisan Somaliya ee ay wadda shaqaynta leeyihiin Maamulkiisa.

 

 

 

 

Berbera news/Hargeysa.