132 Maxbuus oo Jaamacad kaga Qalinjebiyey jeel dhexdii

0

Hargeysa- (Berberanews)-Wasaaradda Caddaaladda oo kaashanaysa Jaamacadda Beder International University, ayaa ku guulaysteen in xabsiga ay ka qallinjebiyaan 132 maxbuus oo bartay culuum kala duwan, waxaana ka mid ahaa arday baratay diblooma sare oo jaamacadeed sida shareecada iyo waxbarashada.

Waxa kale oo ardaydaa ka mid ah 21 arday oo farsamada gacanta sida laydhka iyo biyo-gelinta la baray, isla markaana soo bandhigay xirfada ay barteen.

Xafladda Qallin-jebinta ardaydan oo ka dhacday xabsiga Hargeysa saaka, waxa ka qaybgalay Wasiirka Caddaaladda Mustafe Maxamed Cali Bile, Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Torno), Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliid Cabdillaahi Axmed, Guddoomiyaha Guddida Xuquuqal-insaanka Qaranka Maxamed Baarud Cali, Xeer-ilaalinta Guud, Taliyaha Ciidanka Asluubta, masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan, iyo hay’adda UNODC.

Dhammaan masuuliyiintii iyo macallimiintii xafladda Ka hadhay waxa ay ardayda Kula dardaarmeen in qayb Ka noqdaan dhaqan-celinta iyo wax barista maxaabiista, kana wacyigeliyaan bulshada dambiyada.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo masuuliyiinta kale waxa ay si wada jir ah u guddoonsiiyeen shahaadooyin iyo hadyado loogu talagalay ardayda waxbarashada Kala duwan Ku dhammaysatay Xabsiga Hargeysa.