14 qof oo ku dhintay daadad iyo duufaanno ku dhuftay Maraykanka

0

USA(Berberanews)-Ugu yaraan 14 qof ayaa dhimatay kadib daadad iyo duufaano ku dhuftay waqooyi-bari Mareykanka Dadka qaar ayaa ku xayirmay dhulka hoostiisa oo fatahay;

Qof meyd ayaa laga soo saaray gaadhi Muuqaalo la duubay ayaa muujinayay biyo ku qulqulaya saldhigyada dhulka hoostiisa mara iyo guryaha dadka.

Guddoomiyeyaasha New York iyo New Jersey ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah Ku dhowaad dhammaan khadadka tareenada dhulka hoostiisa ee New York ayaa xidhan.

baabuurta aan degdegga ahaynna waa laga mamnuucay waddooyinka magaalada Duulimaadyo iyo tareenno badan oo ka baxayay New York iyo New Jersey ayaa la hakiyay