“140 qof ayaa bishan lagu aasay xabaalaha Burco” Maayar Muraad

0

Burco (Berberanews) Duqa degmada Burco, mudane Maxmed Cabdiraxmaan Muraad, ayaa sheegay in intii ay taagnayd xaaladan xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, xabaalaha gudaha magaalada Burco lagu aasay dad tiradoodu dhan tahay boqol iyo afartan qof.

Sannadkan 2021 oo xannuunkku si weyn u soo laba kacleeyay guud ahaan, gobollada dalka Somaliland ayaa sahayday dad fara badan.

Duqa degmada Burco isaga oo arrimahaasi la hadlaya waxa uu yidhi.”Boqol iyo afartan  qof ayaa bishan lagu aasay xabaalaha gudaha magaalada Burco”