20kii Disember 2011ka: Lix-guurada Ku-biiritaankii Siyaasadda Ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

0

Maanta oo kale, labaatankii bishii Diisambar, sannadkii 2011kii, mid ka mid ah jileyaasha ugu waaweyn siyaasadda Somaliland ahna dhaqaaleyahan, qoraa iyo hal-abuur ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu ka dhex loollamayo fagaaraha siyaasadda Somaliland… Waa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.. Walaw uu siyaabo badan ugu jiray siyaasadda Somaliland, waa dharaartii uu hankiisa oogta ka caddeeyay. Waxa aynu qormadan kooban ku eegi doonnaa guulihii, gedaafooyinkii, geeddigii iyo waayihii uu Jamaal Cali Xuseen dhex jibaaxay lixdaas gu’. Maqaalkan waxa aan bulshada la wadaagay afar gu’ ka hor, eeggana waxoogaa tifaftir ah baan ku sameeyay.

Waxay ahayd bishii toddobaad ee sannadkii 2011kii markii uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen safar ku yimi Somaliland isaga oo ka soo kicitimay dalka Tansaaniya oo uu madax u ahaa Bangiga Citibank. Maalmahaas waxa shidnaa dabayshii ururrada siyaasadda, waxaanu Jamaal ka mid ahaa bulshadii sida weyn loogu hadal-hayn jiray inay alkumayaan urur-siyaasadeed cusub. Xilligaas kuma dhawaaqin arrimo siyaasadeed, laakiin waxa uu galay la-tashi ballaadhan, isaga oo dib ugu noqday Bariga Afrika. Waxa uu is-weydiiyay kee faa’iido badan urur cusub oo u baahan in la barto, xafiisyo cusub, taageerayaal, dhisme hoggaan magac leh, xayeyiis, maraya diiwaangelin laguba hadhi karo ama la isku reebi karo iyo in boodhka laga tumo xisbi jiray, caan ah, rug iyo rag leh, keliyana u baahan dardar-gelin iyo dhiig cusub?

Intii uu Tansaaniya joogay waxa carrabka lagu adkayn jiray inuu siyaasadda ku biirayo, marka aan weydiiyo-se waxa uu odhan jiray “Way caddaan doontaa… Wanaag bay noqon..”.. Si guudmar ahna waa ku dhaafi jiray. Waxa uu si rasmi ah uga soo degay madaarka Hargeysa 20kiiDisember, 2011ka, abbaaro 09:00 arooryo. Soo-dhaweyntiisa waxa diyaar u ahaa dhallinyaro, salaaddiin, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, kooxaha ciyaaraha dhaqanka, saxaafadda iyo qaybo kale.

 Dadkaas waxa ka mid ahaa Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaaddir, Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Axmed Jaambiir Suldaan, Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Marxuum Idiris Ibraahin Cabdi, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Abiib Xasan Filfil iyo Mudan kale.

Kaddib markii uu gegada diyaaradaha Hargeysa soo gaadhay waxa uu mahad-naq u jeediyay bulshada ku maamuustay soo-dhaweynta diirran, waxaana loo gelbiyay Hudheelka Summer Time oo uu kaga dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu siyaasadda u tartamo, isaga oo u sharraxan jagada Madaxweyne ee Xisbigii UDUB “Guul iyo guul-darraba waxa aan u taaganahay Madaxweynennimada UDUB” ayaa hadalladiisii ka mid ahaa. Intaas waxa uu Jamaal ku daray inuu shaqadiisii caalamiga ahayd ka doorbiday inuu dalka u adeego. Misana waxa uu bogaadiyay bahweynta dhallinyarada Somaliland oo dal iyo dibadba ugu baaqay, kuna guubaabiyay inuu waddanka wax u qabto halkii qurbe ka hawl-geli lahaa.

03dii Jenewari, 2012ka ayaa loo doortay Murashaxa Madaxweyne ee UDUB, isaga oo lagu doortay shir ka dhacay Crown Hotel ee magaalada Hargeysa, kaddib markii uu bandhigay qorshihiisa hoggaamineed ee UDUB, kuna dhiirraday inuu bixiyo $300,000 oo ahaa shardi lagu xidhay murashaxa raba inuu u tartamo hagista UDUB si uu Xisbiguu dhaqaale ugu helo hirdanka aloosnaa oo ay 18 urur isu diiwaan-geliyeen, midba meel uu kuu hadho.

Waxa se taas ganafka ku dhuftay garab ka mid ahaa Xisbigii UDUB oo uu hormood u ahaa Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin. Waxa ku kacay camaasiir iyo xiisado siyaasadeed. In aanu Xisbiga UDUB iib ahayn ayaa la sheegay. “Maad shaqadaada ka mushaharka badan Madaxweynaha iska haysatid?” ayaa la yidhi. Tartankii xorta ahaa ayaa loo diiday. Inuu reernimo UDUB u qaadanayo ayaa lagu eedeeyay, hadda inuu UDUB ka baratamo waxa kula taliyay Daahir Rayaale oo yidhi “Waxba mid cusub ha furane, kan la dhex loollan”.. Khilaafka UDUB waxa uu gaadhay heer maxkamad la isla galo, laakiin waxa ka soo baxay natiijo aan dhinacna mahadin. Haddana waxaas oo dhan dheg uma jalaq siinnin. Habeennimada la daaddifaynayo murashaxnimadiisa, waxa aanu subaxnimadii wada joognay oo uu khudbad ujeediyay laba kun oo ka mid ah ardayda dugsiyada sare ee Nuuraddiin.

Isaga oo ay talo ku ciirtay ayuu dib u aaday Tansaaniya, waxa uu curiyay gabay uu kaga warramay wixii UDUB ka qabsaday.. Dhacdooyinkaas waxa uu ka dheefay waayo-aragnimo mug iyo miisaan leh. Halkii uu hankiisa siyaasadeed ka ambaqaadi lahaa ayuu maankiisa la kaashaday. Laba bilood kaddib ama 19kii Maarj, 2012ka ayaa uu ila soo hadlay Jamaal Cali Xuseen isaga oo ku sugan Imaaraadka Carabta, waxa uu yidhi “Mar haddii UDUB adkaatay waxa aan doonayaa inaan UCID u diga-rogto, waanu wada hadalnay Eng Faysal Cali-Waraabe”.

Intii aanu UCID ku biirin, waxa loo diray ergo doonaysa in aanu UDUB ka tegin, waxa sidoo kale u gacan-haadiyay laba ka mid ah urur-siyaasadeedyadii hadhay laakiin waa uu ku gacan-saydhay, waxaanu ku adkaystay inuu kobciyo, dhiso, ka mid noqdo oo uu udub-dhexaad u noqdo xisbiga UCID ee ay isku af-garteen in uu ka noqdo Murashaxa Jagada Madaxweynaha.

Faysal Cali-Waraabe qudhiisu waxa uu la baaxaa-degayay maayado ku kacay markii ay siyaasiyiin mug leh oo UCID ka tirsanaa ku dhawaaqeen Xisbiga WADDANI. Isaga oo baadigoob ugu jiray masuuliyiin buuxiya jagooyinka Murashaxnimada Madaxweyne ee UCID, waxaanu caddeeyay inaanu murashax ahayn markii uu shirweynaha Xisbigiisa ku qabtay Crown Hotel 03-04/01/2012. Waxaynu odhan karnaa Ilma Cali Xuseen “Jamaal iyo Faysal” waxa ay ahaayeen laba hiil u baahnaa oo is-helay. Horena waxa ay u lahaayeen xidhiidh, aqoon iyo saaxiibtinnimo weyn.

Waxa ay ahayd 12kii Julaay, 2012ka markii ay si rasmi ah Xisbiga UCID ugu biireen garab ka mid ah Xisbigii UDUB oo uu hoggaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen. Qodobbadii lagu heshiiyay waxa ka mid ahaa:

  1. In Garabka UDUB la siiyo jagooyin ay ka mid yihiin Murashixiinta Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa, Xoghayaha Guud, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad iyo Af-hayeenka
  2. In xoghayeyaasha xisbiga si siman loo qaybsado
  3. In golaha dhexe laga dhigo 250: 100 UCID ah, 100 garabka UDUB keenaan iyo 50 keyd ah oo wadajir loo xulo iyo
  4. In heshiiskan lagu ansixiyo shir ay qabsadaan Golaha Dhexe ee UCID
  5. In heshiiska lagu sharciyeeyo shirweyne aan caadi ahayn

Munaasibaddii lagu saxeexay heshiiskan waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku faahfaahiyay sababaha ku dhaliyay inuu UCID ka mid noqdo.. In aan wax shuruud shuruud ah lagu xidhin ayuu sheegay.. In Xisbiga UCID uu yahay meel uu damaciisa siyaasadeed ka hirgelin karo ayuu ku nuuxnuuxsaday…

Heshiiskan waxa lagu ansixiyay shir ay Golaha Dhexe ee UCID qabsadeen 28kii bishii Oktoobar 2012ka waxaanay halkaas ka ambaqaadeen Ololihii Doorashada Golaha Deegaanka ee qabsoontay Nofember, 28, 2012ka, oo ay ka qayb-galeen Toddoba urur siyaasadeed. Nasiib-wanaag waxa ku soo baxay saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Jamaal waxa uu dedaal weyn oo wakhti, muruq, maal, maskax iyo naf-hur leh u galay sidii uu Xisbiga UCID uga gudbi lahaa doorashooyinka Golaha Deegaanka. In la guuleystaa ma ahayn wax sahal ah, laakiin halgan, soo-jeed, socod iyo safaadba waa loo maray. Waxa ayaan-darro weyn ahayd markii Xisbiga UCID uu kal-fadhi aan caadi ahayn ku qabsaday magaalada Hargeysa 7dii Nofember 2016ka, halkaas oo uu ku sheegay in la laalay heshiiskii ay la galeen garabkii UDUB ee uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen hoggaaminayay. Falkani waxa uu sababay in ay taageerayaashii UCID 80% ka tagaan xisbiga, waxaanay murashaxiintii UCID uga qayb-gashay doorashadii 13ka Nofember 2017ku heleen cod ah 4%, kaas oo ah kii ugu hooseeyay ee uu abid Murashax Madaxweyne ka helo dalka.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii NEW UCID waxa ay si rasmi ah ula midoobeen Xisbiga KULMIYE 6dii Feberweri 2017ka, iyaga oo kaalin muuqata ka gaadhay guusha KULMIYE ka gaadhay doorasahadii Madaxtooyada ee sannadkan ka dhacday Somaliland. Isaga oo Jamaal Cali Xuseen 16kii Disember 2017ka ka hadlaya aragtidiisa ku aaddan waxa uu uga mid noqon waayay Golaha Wasiirrada Somaliland iyo hankiisii Madaxweynnimo waxa uu yidhi:

“Anigu ma ahayn nin Wasiir doonaya, dalkana uma iman inaan wasiir ka noqdo. Waxa aan Somaliland u imi in aan madaxweyne ka noqdo. Murashaxnimadaydii iyo xisbigii UCID ee aan soo saarayna halka uu maray waad ka war haysaan. Markii dambena bilaa shuruud ayaanu ku taageernay Madaxweynaha la doortay iyo xisbiga KULMIYE oo guul baanu ka gaadhnay. Markaas dad guul tirsanaya ayaanu nahay, intaas ayaana annaga nagu filan. Dadku ma wada aha in ay xil helaan. Anigu xil wasiirnimo diyaar uma ihi, mana doonan. Madaxweynuhuna wuu ogaa in aanan doonaynnin wasiirnimo.

Beri hore ayaa sidan oo kale xilka wasiirka maaliyadda la iigu yeedhay, waxaanay ahayd 2010kii markii Madaxweyne Siilaanyo la doortay intii aan jagadaas la siinnin Eng Maxamed Xaashi Cilmi. Ninkii kowaad ee Madaxweyne Siilaanyo la soo hadlo ee uu xilka wasiirka maaliyadda u bandhigaa aniga ayuu ahaa, aniga oo markaas madax ka ahaa bangiga Citibank laantiisa Tansaaniya. Xilligaas waan ka cudurdaartay, waxaanan u arkayay in halka dalka ugu sarraysa u tartamo, oo aan waddanka wax badan ka beddelo, laakiin may dhicin. Markii dambena waxa aan goaansaday in aan ku taageero cidda ugu habboon, ee aan u arkayo qofka ugu habboon. Waxaana la doortay Muuse Biixi Cabdi oo aanu guushiisa door weyn ka ciyaarnay aniga iyo taageerayaashayduba.

Anigu nin da’yar oo xoog baan ahay. Dalkana wixii aan u qaban karayo ma aha in aan xil iyo wax la mid ah lagu xidho. Waxa ka mid ah in lala taliyo oo la taageero. Waxa aan leeyahay aynu taageerno Madaxweynaha Cusub iyo Golaha Wasiirrada oo aan halkan hambalyo ballaadhan uga jeedinayo”

Haddii uu qofku dedaalo, Allena waafajiyo wax waa uu qaban karaa. Bile Rafle Guuleed isaga oo aan u dhalannin Somaliland ayuu wax badan ka qabtay gobolladii uu maamulay. Sidoo kale Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu kaalin muuqata ka ciyaaray hagidda bangiyo heer caalami ah isaga oo ku sugnaa carro Mareykan iyo carriyo kale. Waxa uu hormood u yahay ragga u heelllan in talada laga wareejiyo ragga illaa lixdankii hoggaaminayay siyaasadda.

Weli Jamaal Cali Xuseen ma furin heensihii, kamana tanaasulin higsigii uu lahaa.. Waxa uu diyaar u yahay in marka ay xilligeeda gaadho uu u tartamo doorashooyinka Madaxtooyo ee Somaliland, waana la eegi inuu majaraha u qabto masiirka, aayaha iyo horumarinta ummadda Somaliland haddii Eebbe idmo.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair