30 Sanno iyo Somaliland: WQ Barkhad Jaamac Batuun

0

Qoyskaygu waxa uu ka mid ahaa qoysas guryaha ay galaan ahaayeen Xafiiska Hay’adda shaqaalaha. Waqtigaas Abdullahi Dirawal ayaa gaadhi nagaga soo qaaday Magaaladda Dila oo aan u qaxnay! Waxa aan ka mid ah dhallinyaraddi bannaanbaxa ku gashay xerada Milatariga Birjeex, oo ku dhawaaqayey:

” Wuu dhacay Siyaad, Siilaanyo dhalay sida dhibicda roob!”

Sidoo kale, waxaa aan ka mid ahaa dhallinyaradii lagu bilaabay Waxbarashada dalka sannadkiii 1993kii dugsiga Axmed Guray ee magaaladda hargeysaa. Waxaa aan arki jiray iyada oo hadhka cad badhtanka Hargeysa la isku baadhanayo oo aan dawladnimadu cago’adag ku taagnayn qof walibana qorigiisa degta ku sito. Fiidki marka uu gabbalku dhacana dhagaha ay kaa qaadayaan dhawaqa rasaasuhu!

Waxa aan xassuusta iyada oo Iskarogo suug saarnaa oo magaceedana la odhan jiray ‘Sahra Tuugo’ in marka ay suuqa timaaddo la kala yaaci jiray, marka suugga saaran la rido! Waxa aan garanaya Hargeysada hadda siraadan oo afarta galabnimo guryaha la kala galo cabsi darteed.

Waxa aan ka mid ahaa dhallinyaraddi dagaalki sokeeyo ugu dhex dhacay Hargeysa, maalinki ay bilaabmatay rasaastuna beerti ilma Kidifaar dhex joogay. Ka dibna Baligubadle u qaxay. Waxa aan ahaa dhallinyaraddii daawanaysay hubkadhigisti Suldaan Maxamed sameeyey ee ka dhacday Garoonka Hargeysa Staduim Anaga marka deganeyn xaafadda siinay. Sidoo kale, waxaa aan ahaa dhallinyaraddii nasiibka u helay in ay arkaan aasaaska Ciidanka Qaranka!

Waxa aan ahaa dhallinyaraddi nasiibka u heshay lacagta Somaliland oo cusub markii ay soo baxday in ay gacantooda soo gasho oo wax ku iibsadaan iyada oo aan horre u qaadan jirnay lacagtii Soomaaliya ee gabowday!
Waxaa aan fursad u helay in aan arko iyada oo Calanka Soomaalilaan Dugsiyadayada ka babbanayo, gacantayadana gidaarrada Iskuullada aan ku rinjiyeyno Calanka!

Waxa aan ka mid ahaa dhallinyaraddi u dareeray Aftidii dastuurka ee u codeeyey. Wax aan ahaa dadkii sida wayn ay u damaqday Geerida Aaabbihi Ummadda Soomaalilaan iyo Madaxweynihii wax badan noo hirgaliyey ee Madaxweyne Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

Waxaa aan fursad u helay in aan Passport ay Soomaalilaan leedahay ku tago Masar Sannadkii 2011kii aniga oo metelayay aqoonyahanno Diblomaasiyadda u soo baranayay Soomaalilaan oo Madaxweyne Siilaanyo diray. Waxaa aan fursad u helay in aan aqoontayda illaa heer jaamacadeed ku dhammaysto dalka iyada oo aanan dareemaynin amni xumo iyo argagax qarax toona, Alle mahadi ha ka gaadhee.

Waxa aan noqday Macallin Jaamacaddeed oo ardayda bara Sharciga iyo qiimaha uu leeyahay Dastuurka Dalkeenu. Waxa aan fursad u helay in aan marag iyo markhaati ka ahaado doorashooyinka Saddex Madaxweyne oo hab Dimuqraadi ah isku beddelay.

Waxa aan fursad u helay in aan kamid ahaado ururadda siyaasadda muddo xileedyadoodi kala duwanaa sannadihii 2003kii illaa 2012kii. Waxa aan ku dhashay Soomaalilaan. Waxa aan ku dhaqmay Soomaalilaan. Waxa aan ku dhalay Soomaalilaan; waxaanan ku dhimanayaa Soomaalilaan!

30 Sano ka dib waxa aan ka mid ahay Siyaasiyiinta Soomaalilaan leedahay ee laga filaayo in ay Caalamka ku qanciyaan Calanka Soomaalilaan, Cududda Ciideenkeeda Soomaalilaan, Codka shacabkeeda citiraaf doonka ah, xuduuddaheeda, xeerarkeeda, xukumaddeeda, xisbiyaddeeda, wixii qarankan Soomalilaan u qabsoomay, wixii ka qabyo ka ah iyo waxa u qorshaysanba!

SNM dhiiggeedi ayey dalka ku xoreysay 1990 kii oo Soomaalilaan ku timid May,18 sannadkii 1991kii bishan oo kale. Aniguna waxa aan ahay dhallinyaraddii ay Soomaalilaan dhashay.
“ Soomaalilaan Dalkayga. Soomaalilaan Dadkayga.”