85 Suldaan iyo Xukuumadda Somaliland oo go’aanno wada-jira ka soo saaray Cidda ka qaybgasha Shirka ansixinta Dastoorka Soomaaliya iyo Muddaharaaddada Ururrada

0

Hargeysa-(Berberanews)- Xukuumadda Somaliland iyo ku-dhawaad Boqol Salaaddiinta Beelaha Somaliland ka tirsan, ayaa shir ay maanta ku wada-yeesheen magaalada Hargeysa, waxay ka soo saareen go’aanno kala duwan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in Siyaasi kasta iyo Madax-dhaqmeed kasta oo reer Somaliland ah oo ka qaybgala Shirka ansixinta Dastuurka Somaliland ee Muqdisho lagu qabanayo 15-ka bishan May loo aqoonsan doono dembiile Qaran.

Shirkaas oo uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) maanta uga furay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa Madax Xukuumadda ka tirsan iyo 85 Suldaan, ayaa ujeeddadiisu ahayd is-xog-waraysi ku saabsan siyaasadaha arrimaha dibedda, gudaha iyo xoojinta nabadgelyada Somaliland ee Salaaddiinta iyo Xukuumadda, waxaana Xukuumadda uga qaybgalay shirkaas Madaxweyne ku-xigeenka ka sokow Wasiirrada arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), arrimaha dibedda Maxamed Cabdillaahi Cumar, Beeraha Prof: Faarax Cilmi Geedoole, La-taliyaha arrimaha doorashooyinka ee Madaxweynaha Maxamed Muuse Abees iyo masuuliyiin badan oo kale.

Shirka oo markii uu furmay Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirradu hadallo ka jeediyeen, ayaa markii dambe Weriyeyaasha ka kala socday qaybaha warbaahinta dalka dibedda looga saaray, iyada oo ay isku kaliyeysteen Salaaddiinta iyo Masuuliyiinta dawladda oo dood badani dhexmartay, isla markaana wadahadalkooda gaar ahaaneed muddo saacado ah socday. Waxa ka dib Salaaddii Duhur loo oggolaaday inay Warbaahintu gasho hoolka shirku ka socday, halkaas oo Salaaddiin loo xulay inay warbaahinta u sharraxaan go’aammada shirka la iskula qaatay ay hadallo ka soo jeediyeen, isla markaana halkaa kaga dhawaaqeen go’aammo ay sheegeen inay Salaaddiinta iyo Madaxda Xukuumaddu isla sexeexeen oo ay wada qaateen ama wada gaadheen.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ku dhawaaqay go’aannada shirka lagu gaadhay, waxa uu yidhi; “Waxaannu Shirkan ay Salaaddiinta Boqolka ku dhaw ee Beelaha Somaliland iyo Xukuumadda Somaliland isugu yimaaddeen iskula qaadannay, in la taageero, isla markaana la soo dhaweeyo wadahadal dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya. Hase-ahaatee wadahadalladaas loo daba-fadhiisanayo Xukuumadda oo iyadu ka masuul ah.”

“Waxa Shirka la iskula qaatay inuu Dembiile Qaran yahay nin kasta oo Siyaasi ah ama Madax-dhaqmeed ah oo isaga oo leh Somaliland baan matalayaa ka qaybgala Shirka Dastuurka Soomaaliya lagu ansixinayo ee Muqdisho lagu qabanayo, nin kasta oo ama siyaasi ha ahaado ama Suldaan ha ahaadee ka qaybgalaa waa dembiile.” ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal.

Suldaan Axmed Daahir, Suldaan Barre X. Xuseen Carraale iyo Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, oo iyaguna ka tirsanaa Salaaddiinta ku dhawaaqista go’aammada shirka lagu gaadhay loo xulay, ayaa si isku mid ah u sheegay inay Xukuumadda iyo Salaaddiintu isla qaateen, isla markaana wada sexeexeen, in la joojiyo, isla markaana aan la oggolayn in Ururrada siyaasadda ee ku hadhay wareeggii labaad ee kala reebista Guddiga diiwaangelintu samaysay inay muddaharaadyo sameeyaan, cid kasta oo dhawaaqan iska dhego-marisa oo bannaanbaxyo samaysana loo arkayo inay khalkhal iyo amni-darro Somaliland ka abuurayaan, wada-jirna Xukuumadda iyo Salaaddiintu wax uga qaban doonaan.

Waxa kale oo ay Salaaddiintani sheegeen in shirkaa la iskula qaatay in la soo afjaro colaadda ka taagan deegaannada Bariga gobolka Sanaag iyo degmada Buuhoodle iyo in sidoo kale la dhammeeyo wixii dilal iyo khilaafaad ah ee u dhexeeya Beelaha Somaliland wada dega.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee ay Xukuumadda iyo Salaaddiin sidan u tiro badani kulankan oo kale yeeshaan intii ay talada haysay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Shirkan ayaa ku soo beegmay wakhti la sheegay in qaar ka tirsan Salaaddiinta beelaha Somaliland abaabulayeen hoggaaminta Ergooyin ka qaybgala shirka ansixinta Dastoorka Soomaaliya oo lagu qaban doono magaalada Muqdisho bishan badhtameheeda. Halka ay qaar ka tirsan Salaaddiinta Somaliland la sheegay inay ka degeen magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Berberanews.com

Hageysa/Somaliland.