9 Jir Taageere U Ah Manchester United: “Rooney Ayaa Iga Jabiyay Gacanta”.

0

(Berberanews Sports ‘Enland’):- Sagaal jir taageere u ah Manchester United ayaa seegay inuu daawado kulankii Wolves ee axada ka dib markii darbo xoogan oo ka timid Wayne Rooney ay ka jabisay gacanta.

Jamie Thomas ayaa markii ugu horeysay ciyaar kubada cagta ah ku daawanayay Molineux, halkaasoo Man United ay 5-0 kaga badisay Wolves, lakiin dhaawac waxa uu wiilkaan soo gaadhay ka hor inta aanay ciyaarta bilaaban.

Darbo xoogan oo ka soo baxsatay Rooney xilligii ay iskululeynayeen ayaa willkaan yar uu damcay inuu gacanta isaga dhigo si aanay kubada jirkiisa kale ugu dhicin.

Aabaha dhalay Jamie ayaa u sheegay Shropshire Star: “Waa kulankiisi ugu horeeyay ee Manchester, waxaana joognay Wolves sababtoo ah qof ayaa tikidhada ina siiyay”

“Ciyaartoyda waa ay iskululeynayeen Rooney iyo Hernandez ayaa darbooyin tuurtuurayay. Rooney ayaa mid ay ka soo baxsatay waxaana ay ku aadaneyd Jamie oo gacmaha isaga dhigay si uu u celiyo lakiin waxa uu ka jabay gacanta”

Mr Thomas ayaa diiday inuu eedeeyo Rooney, isagoo yidhi: “Ma u maleynayo in Rooney ogyahay waxa uu sameeyay, hadii uu ogaan lahaa waa uu inoo imaan lahaa”

26 jirka reer England ayaa markaasi bogiisa Twitter ku soo qoray raaligelin markii uu maqlay warkan.

“Waxaan doonayaa inaan raaligelin u diro Jamie Thomas, waxaan qoray warqad iyo maaliyad aan saxeexay oo aan ku hagaajiyay boostada gurigooda”.

Mustafe Maxamud Diiriye “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports