AABAHA SOMALILAND: MAXAMMED X. I CIGAAL

0

Berbera(Berberanews.com):-

SC,
Akhriste,
Maanta waa 03.05.2012, waxayna ku aadantahay 10-sano guuradii kasoo wareegtay, maalin dadweynaha Somaliland iyo inta kale ee taageerta qaranimada Somaliland-ba ugu suntahy maalin madaw, maadaama uu alle oofsaday nin miisaanweyn ku lahaa dhismaha wadankan Somaliland.

Waa maalintii uu geeriyooday alle godka ha u nuuree madaxweyneheenii, aasaasihii Somaliland, Marxuum Maxamed Ibraahin Cigaal.

Waxan maqaal yar oo kooban oo xus aan ula jeedo kusoo koobi doona taariikh nololeedkii marxuumka.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Qaasaalli, waxaa lagu tilmaami karaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee xilalkiisa oo kale qabtay kii ugu wakhtiga dheeraa nolosha siyaasadda. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ku dhashay sanadkii 1929- kii degmada Odweyne ee gobolka Togdheer.

Yaraantiisii wuxuu ku barbaaray magaalooyinka Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda qur’aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.

Wax barasha sare ayuu u tegay oo la xidhiidha xagga ganacsiga magaalada London, ee waddanka Britain, waxaana uu dalka dib ugu laabtay, horaantii sanadihii kontomeeyadii oo xilligaasi ay aloosnayd dabeyshii xornima-doonka xisbigii SNL.

Xaaji Cabdkariim Xuseen (CabdiWaraabe) oo ka hadlayay bilowgii siyaasadda eee marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi “Maxamed Ibrahim Cigaal, inanyar buu ahaa oo anigu aabihiibaan saaxiib ahayn, 1953, waxa uu ahaa aqoonyahanno aan u shaqaynin maamulka Ingiriiska, oo waxbarasho ugu maqnaa dalka Ingiriiska, markii uu Maxamed yimi Somaliland, waxaanu dalka yimi axsaabta oo dhisan, waxaanu ku tartamay jagadii xoghayaha Xisbiga SNL ee Berbera, oo uu hayn jiray Faarax Jire, waanu ku guulaystay jagadaas, markii dambena waxa loo doortay hoggaankii ururka SNL, isaga oo bilaabay in si xooggan horumar uga sameeyo dhinaca siyaasadda. Maxamed waxa u si weyn u dhaqaajiyay abaabulkii iyo dhismihii ururkii SNL”

Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo doortay in uu noqdo xooghayihii guud ee xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii Soomaali-Land.

Bishii may 12 dii, sanadkii 1960-kii, Allaha U Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu gacantiisa ku soo saxiixay, in Soomaali-Land ay xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska taariikhdu markii ay ahayd 26-ka Juun ee sanadka 1960-ka.

Markaasi waxaa Cigaal ku wehliyay heshiiskaas, rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo Maxamuud Cabdi Carraale.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alaha U naxariistee wuxuu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee Soomaali-land, kadib markey xornimadeeda gaadhay 26-kii Juun sanadkii 1960-kii.

Khudbad dheer oo taariikhda ku xusan oo Cigaal u jeediyey golihii wakiilada ee Somaliland 1960, markii xornimada Somaliland uu soo sexeexey waxa kamid ah ahaa ereyadeedii “

“Waxay ila tahay in la wada maqlay koloneel secretary-ga waxa ay jawaabtiisi noqotay, arinkii sidii aynu doonaynay inuu u dhacay inaad kulligiin ka wada dharagsan tihiin baan u malaynayaa. Maalintii aanu nimi ee Isniintii ayaanu hadalkii istaadhnay markaa waxaa weeyaan in Dawladda Ingiriska ay awalba usii go’onayd waxa ay doonayaan inay ina yidhaahdaan, hasa ahaatee midbaa meesha ku jirtoo waxaa la hubinaayay, waxan la doonayo ee dawladnimadan la doonayaa in ay tahay mid dadku wada doonayaan, dad uqalmana gacantooda ay galayso inay tahay ina kale ayaa la hubsanaayay.

Labadii casho ee hore ee aanu is-aragnayba baadhniin uun arrinku la baadhay in dadka meesha joooga iyo sida dadku siday wax udoonayaan uun inuu arrinku inaga wada dhab yahay iyo in uu jibbo uun arinku inaga yahay ayaa la baadhayay bay ahayd.

Markii taasi caddaatay maalintii Arbacadii galinkii danbe shalayto ayuu noo yimi koleneel secretraygii Markaa dabadeetan qudbaddan imika la sheegayo ayuu akhriyay, hadalka waxa weeye guntiisi bishaa Jully kowdeeda, inaynu dawlad ahaanno si aynu walaaladeenn Soomaaliya isu raaci karno ayuu guntiisi noqday.

Markaa maanta waddo dheer oo aynu soo maray ayaynu maanta maxay haydeey joognaa madaxeedii, hasa ahaate mid tii ka dheer kana adag ayaynu imika galaynaa dawladnimo loo qayliyaa dawlidnimaannu doonaynaa la yidhaa waa ay suurta gashaa oo maanta helnay dawladnimadeenni, hase ahaate halka kasii adag, ee aynu maanta madaxa la galay waa dee helay dawladnimadii lakiin masuuliyad badan iyo dhib badan ayay la imanaysaa, markaa maanta dagaalka kii u horeeyay ayaynu helay oo aynu ku najaxnay ka maanta inagu hadhayna waa kii ka waynaa .

Markaas inagii maanta ajanabi aynu dibadda usaarno, ama aynu wada keena ka kaxayno dhammaynay kaas, waa inaga tagayaa bisha Julaay ayaynu walaaladeen is raacaynaa inaguna dalkeeni dadkeeni iyo diinteeniiba aynu u talinaynaa.

Markaa nimay ku hadhay bay hawli haysaaye, taladaa maatna talo wayn weeyaan wax badan baynu indhi ajaanib inoo talinmaayee anagaa talada qabsanayna ,laynaga bax imika inaga imika laynoo kala tagay inaynu isu talin karayno iyo in kale ayaa caalamku ina eegayaa, Ilaahay wax ha inagula qabtee” .

1-dii July 1960-kii markii gobollaada koofureed ee Soomaaliya ay iyana xornimadoodii ka qaateen dowladda Talyaaniga ee ay dhalatay jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo hogaaminaayey wafdigii ka socday Soomaali-land wuxuu noqday wasiirkii gaashaandhigga ee ugu horeeyey Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa kale oo uu noqday wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya july, kadibna C/rashiid oo ra’iisal wasaare ahaa ayaa isku shaandheeyay golihii wasiirada,ka dibna Cigaal waxa uu noqday wasiirkii waxbarashada,badhtamihii 1962 kii ayuu iska casilay jagadaa kadibna isaga iyo Sheekh Cali Ismaaciil Yacquub iyo Sheekh Cali Jimcaale ayaa waxay aasaaseen xusbigii SNC,markii danbena wuxuu ku biiray xusbigii SYL..

10-kii July 1967-dii, wuxuu noqday Cigaal ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, markii Cabdirashiid Cali Sharma’arke loo doortay xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya.

Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi ra’iisul-wasaaraha doorashooyinkii 1969-kii .

21 Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka milatari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyad Barre, uu ka dhacay Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyey ee dowlad soomaaliyeed oo la doorto, waana la xidhay, wuxuuna Cigaal Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-dii bishii February, marka laga reebo muddo sanad ka yarayd oo ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-dii, oo mar loo magacaabay Danjiraha Soomaliya u fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna islamarkiiba xabsiga ayaa lagu celiyey.

1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay Cigaal guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska casilay markiiba.

Burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib, Cigaal wuxuu ka qayb galay sanadkii 1991-dii, shirkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ee Jabuuti, 1993-dii bishii May 5-teedii Cigaal waxaa loo doortay Madaxweynaha Soomaali-land, iyadoo jagadaasi dib haddana loogu doortay sanadkii 1997-dii.

Cigaal oo hadal duco iyo dardaaran iskugu jira ka jeediyey Hargeisa Stadium oo hubkadhigistu ka dhacaysay 1994kii ayaa waxa ducadiisii ka mid ahayd

“Maanta halkii uu joogay Nabi Maxamed calayhi salaatu waa salaam maalintii aad udirtay Yasrab halkii uu joogay anaga oo joogna, dadkana adigu aad ii qadartay inaan madax u noqdo ,waxaan kaaga baryayaaa ilaahayoow dadkan waxaan kaaga baryayaa: ALAAHUMA ALIF BAYNA QULUUBIHIM KAMAA ALAFTA BAYNAA ASXAABI SAYIDINAA MUHAMED, ALAAHUMA ALIF BAYNA QULUUBIHIM, WA AYIDHUM BI RUUXIN MIN CINDIKA, WA ARSIQ MIN RAXMATAN WA RIDWAANA, RAXMATAN WA RIDWAANA , RAXMATAN WA RIDWAANA, AAMINA, AAMIIN WAL FAATAXA”.

Waa duco turjunkeedu yahay “Alloow isu soo dhawee quluubta dadkayga, sidii asxaabta, ku xooji ruux agtaada ka timi, kuna arsaaq naxariistaada iyo raalli ahaanshaaga”

Marxuum Cigaal waxa bulshada Somaliland iyo dadka kale ee wadanka daneeyaaba siwayn isku raacsanyhiin inuu yahay maskaxda ka danbaysay inay Somaliland noqoto dal madaxbanaan, isla markaana gaadho halka ay maanta joogto.
Markii wadanka loo soo doortey inuu hogaamiyo 1993, dalka kama jirin habayaraate wax hannaan dawladeed ah oo shaqaynay, waxana uu wadanka u allifey dhammaan shuruudaha dawladnimo sida, calanka, lacagta,passport, DASTUURKA QARANKA iyo weliba kan ugu muhiimsan oo ah Hannaanka dawladnimo.

Mudadii ugu adkayd ayuu Cigaal wadanka kasoo badbaadiyey, waana xilligii jabhadaysiga oo wadanka ay ku badnaayeen day dayga iyo isdhaca. Waxa si wayn loogu xasuustaa sidii uu wadanka ugu sameeeyey hubka dhigista iyo qaramaynta ciidama beeleedkii daydayga ahaa.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu 28.4.2012 daweeyn u tagay dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay wehliso marwadiisa Kaltuun Xaaji Daahir iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee Soomaali-Land. Waxana uu ku geeriyooday magaalada Pretoria 03.05.012, waxana aas qaran oo ahaa kii ugu wayn abide e ka dhaca Somaliland loogu sameeyey galbeedka magaalada Berbera, oo uu marxuumku dardaarmay intuu noolaa in lagu aaso aabihiis agtiisa.

Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Allaha U Naxariistee, wuxuu guursaday intii uu noolaa shan dumar ah, wuxuuna dhalay shan caruur ah oo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood, oo intaba ay u dhashay Marwo Caasha Saciid Caabi.

Cabdirisaaq Cabdilaahi
Cabdirisaaq_007@hotmail.com