Aabo waa kuma?? 

0

Su’aal la waydiiyay bay ahayd arday ka diyaarinaysay Master degree (ماجستير) jaamicad ka mida jaamicadah….. jawaaba ardaydu bixinaysayna waxay ahaayeen kuwo wanaagsan oo u badnaa kuwo qof walba maskaxdiisa ku soo degdegaysa, marka laga reebo jawaab qudha oo uu Macalinkii muxaadarada (lecture) jeedinayay ka ilmaysiisay.!…

” Aabuhu waa kii markaad yarayd aad xidhan jirtay kabihiisa dabadeedna ku turunturoon jirtay, cagtaada oo yar iyo kabihiisa oo wayn darteed,

Oo aad xidhan jirtay muraayadiisa( okiyaale) oo aad  dareemaysay isla wayni, sidoo kalena aad labisan jirtay dharkiisa adigoo dareemaya xasilooni iyo haybad.

Waxaa ku soo dhici jiray qalbigaaga wax yar oo aan muhiim ahayn oo aad codsan jirtay ….wuuna kaa aqbali jiray si farxadi ku dheehantahay markiibana kuu keeni jiray isagoon kuu galad sheegan,………,

Shaqada haduu ka soo noqdo laabta ayuu ku gelin jiray isagoo qoslaaya adiguna aanad ogayn xaalkiisa iyo dhibaataduu maanta kala kulmay shaqada….,.

Maanta oo aad waynaatay!

Ma xidhatid kabihiisa waayo waa moodo hore oo aanad ka helin ……,

Dharkiisa iyo alaabtiisu waa qaraami(antique,العتيقة) oo waad liidaysaa oo xidhan maysid maanta.

Hadalkiisa iyo su’ aalihiisu waxay kaaga dhigan yihiin in uu  faragelinayo arimahaaga gaarka ah oo ma jeclaysanaysid………..

Dhaqdhaqaaqiisa waad kohonaysaa hadalkiisuna waad dhibsanay oo karhaysaa……,.

Hadaad daahdo wuu werwerayaa oo haduu kugu canaanto daahidaada waxaad dareemaysaa in uu ku geliyay cidhiidhi waxaanad tamaniyaysaa hadii aanu joogi lahayn in aad heli lahayd xorriyad badan…….!! Inkastoo isaga ujeedadiisu tahay wanaagaaga iyo nabad gelyadaada……,

Codkaaga ayaad sare ugu qaadaysaa waanad ku af-celinaysaa wuu kaa aamusayaa baqdin uu kaa baqayo maaha ee waa jacayl uu ku jecelyahay iyo saamixid uu ku saamaxayo……!!.

Haduu agtaada socdo isagoo qolxo yeeshay( dhabarku soo qaloocday) gacanta qabsan maysid waayo adigaa ka dheer maanta…!!!.

Shalay markaad hadal baradka ahayd ee odhaahda qaldaysay wuxuu  si kal iyo laaba oo dhoola cadayn leh u dhagaysanayay hadalkaaga, laakiin maanta waxaad dhibsanay su’aalihiisa iyo hadalka uu kugu soo celcelinayo si uu u fahmo maadaama uu dhego cuslaaday ama indho dareeyay…..!!!

Maalin qudha aabahaa ma doonin dhimashadaada adoo yar iyo adoo waynba halka aad adigu jeceshay in uu dhinto, adoo dhibsanaya gabawga ku habsaday iyo culayska uu ku hayo adiga iyo cidda kula nool…….!!!

Aabahaa wuxuu dhabrka u ritay caruurnimadaadii… aqoondaradaadii….dhibaatadaadii…..xanuunkaagii …korintaadii…..waxbarashadaadii……baahidaadii xilli kasta….!!!

Hadaba maalin qudha ma ka fikirtay in aad u adkaysato Aabahaa gabawgiisa iyo xanuunkiisa??.

U Samafal Aabahaa maanta dadka inbadan oo ka midi waxay  tamaniyayaan in ay Aabahood mar danbe arki lahaayeen isagoo nool…!!!

U ducee Waalidkaa duco qalbigaagu soo jeedo🥕

✍Ahmed Abdulkadir Ahmed (Kayse)