Abaal-marinta Nobel price Ma lagala noqon karaa qof hore loo siiyey?

0

Sida la ogyahay abaalgudka Nobel oo ah abaal- marin sumcad wayn ku leh caalamka, waxay ka soo bilaabmatay geerida maalqabeenkii saynisyahanka ahaa ee reer Sweden, Alfred Nobel oo geeriyooday sannadkii 1896 kii. Intii aanu dhiman wuxuu ku dardaarmay in xoolihiisa abaalgud laga siiyo ciddii sannadkaa adduunka ku soo kordhisa shan waxyaabood oo kala ah : Caafimaadka, Fiisigiska, Kimistariga, Suugaanta iyo Nabadda.
Iyada oo la raacayo dardaarankaa ayaa 1901 kii waxaa la bixiyey abaalgudkii ugu horreeyey.
Haddaba, qofka la siiyo ma lagala noqon karaa haddii uu jebiyo shuruudihii lagu siiyey?
Ma jirtaa cid iyadu iska diiday in ay qaadato, ama cid inta la siiyey iska soo celisay?
Haddii aynu ku horrayno su’aasha koobaad, lama sheegin cid inta la siiyey abaalmarintaa hadana lagala noqday, waxase jira dad markii la siinayey loo arkayey in ay wax wanaagsan qabteen oo gadaal ka xumaaday. Dadkaas, guddida u xilsaaran go’aan ka gaadhista wax sharci ahi ugama yaalaan, laakiin waxaa jira dhaliilo guddida loo soo jeediyo oo ah in bixinta mararka qaar la siyaasadeeyo, taasina ay qiimo tirayso abaalgudka Nobel prize ka.
Su’aasha labaad; waxaa jira ilaa lix qof oo inta guddidu isku raacday in la siiyo aan qaadan. Lixdaas qof, afar ka mid ah waxaa u diiday dawladahoodii. Saddex waxay ka soo jeedeen Garmalka oo waxay ahayd xiligii uu xukumayey Hitler, ka kalena wuxuu ahaa qoraagii Boris Pasternak, wuxuuna ka soo jeeday dalkii Midawga Soofiyati. Sannadkii 1958 ayuu ku guulastay abaal marinta Nobel ee Suugaanta, laakiin culays kaga yimi xaga dawladdiisa ayuu u qaadan waayey, hase yeeshee inankiisii ayaa u qaaday 1989kii. Afartaa qafba waxaa loogu diiday dawladahooda ayaa u arkay in reer galbeedku doonayaan in ay dad ku dhex beertaan.
Labada soo hadhay iyaga ayaa iskood u diiday waxaanay kala ahaayeen,:
1973 kii, ninkii nabadda Vietnam doorka wayn ka qaatay ee la odhan jiray Lu Duc Tho ayaa la go’aamiyey in isaga iyo Henry Kissinger ay ku wada guulayteen, laakiin markii lagu dhawaaqay isla markiiba LU Doc wuu qaadacay isaga oo ku sababeeyey in aanay nabaddii weli dhammaan.

Diidmadaa Lu Doc waxay jiciir iyo weji gabax ku noqotay Henry Kissinger oo ahaa midka mid ah xoghayayaashii arrimaha debedda ugu magaca dheeraa ee Maraykanka soo mara oo isagu markiiba aqbalay, laakiin markii danbe isna wuu ka noqday.

Su’aasha saddexaad; waxaa jira dad inta la siiyey abaalgudkaa haddana muddo ka dib iska soo celiyey. Christina Doctare oo ah Saynis- yahay iyo qoraa waxaa ay haysatay abaalgudka Nobel oo lagu siiyey kaalinta ay ka qaadatay nabad ilaalintii colaadihii ka dhacday dalkii la odhan jiray Yuguslaagiya. Laakiin waxay iska celisay markii sannadkii hore la siiyey nin qoraa ah oo reer Austria ah oo la yidhaahdo Mr Peter Handke. Ninka oo abaalmarinta lagu siiyey xaga suugaanta, wuxuu si cad u dafiray in wax xasuuqii uu ka dhacay Boosniya. Wuxuu si badheedh ah u taageeray ninkii dambiilaha ahaa ee xasuuqay dadka reer Bosnia ee Slovadan Malosavic. Christina waxay celinteeda ku sababaysay in ay ceeb iyo sharaf dhac ku tahay in ay ninkaa inkiraya xasuuqyadii ay goobjooga ka ahay ay Abaal-gud wada haystaan, waxaanay si rasmi ah ugu celisay meshii laga bisxiyeyn.

Dhaliilaha loo soo jeediyo bixinta abaalgudkaa.
Beryahan dambe qaabka loo bixiyo aad ayaa loo dhaliilaa oo waxaa inta badan lagu tilmaamaa in ajeedooyin siyaasadeed dadka qaar lagu siiyo ama Lagula degdego dad aan sidaa xilkas u ahayn, ama qaar la siiyo iyaga oo aan shaqoba qaban. Waxaa tusaale loo soo qaataa Barak Obama oo la siiyey abaal marinta Nobel ee nabadda 2009 isaya oo sagaal bilood xafiiska joogay. Dadka dhaliilayey waxay lahaayeen “waxay ahayd in la sugo inta uu wax qabanayo”.
Dhaliilaha kale ee ay leedahay waxaa ka mid ah, in aanay jirin hab lagala noqdo cid hore loo siiyey haddii ay galaan dambiyo bini’aadanimada ka dhan ah. Taas haddii la samayn lahaa waxay ilaalin lahayd sumcadda abaalmarinta, dhinaca kale qofka la siiyey laftiisu wuu is ilaalin lahaa.
Tusaale ahaan gabadha Aung San Suu Kyi ee Raysal-wasaaraha ka ah dalka Myanmar waxay hore u haysatay Abaalmarinta Nobel prize. waxaa sid oo kale si wayn loogu tirinayaa foolxumooyinkii iyo xasuuqii lagula kacay dadka Rohingya ah ee dalkaasi intii ay xafiiska joogtay. Gabadhaasi oo ka mid ah dadka adduunka ugu sumcaddda xun, waxay tusaale u tahay dhaliilaha dul hoganaya abaalmarinta Nobel Prize.
Sannadkii 2018 kii Baarlamaanka Kanada ayaa go’aan loo wada dhan yahay kagala noqday gabadhaa dhalasho sharafeed ay hore u siisay dawladda Kanada, kala noqoshadaa oo sabab looga dhigay tacaddiyadii maamulkeedu uu u gaystay dadka Rohingaha ah.
Waxaa la filayey in guddida Nobel ay ka qaataan gabadhaa talaabadaa ay dalka Canada ka qaadatay, laakiin weli waa danbiile haddana haysta abaalgudka adduunka ugu magaca wayn ee Nobel Prize.

Waxa qoray Siyaasi Cali Maxamed Xasan (Cali-mareexaan)