Abbiy Ahmed oo qaaddacay waanwaantii Beesha Caalamka

0

Itoobiya-(Berberanews)-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu diiday baaqyafa soo kordheysa ee caalamiga ee wada hadalka iyo joojinta dagaalada lagu hoobtay ee ka dhacay gobolka Tigrey “wax aan la aqbali karin,” isagoo sheegay in dalkiisa uu kaligii wax ka qaban doono khilaafka maadaama 72 saacadood oo is dhiibitaan ah ay dhamaaneyso Arbacada.

Si kastaba ha noqotee, bulshada caalamku waa inay “garab istaagtaa” ilaa dowladda Itoobiya ay weydiisato gargaar, xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu yidhi bayaan iyadoo ciidamada dowladda lagu soo waramayo inay taagan yihiin meel ka baxsan Mekele iyagoo wata taangiyo. “Waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa bulshada caalamka inay ka waantoobaan waxkastoo faragelin ah oo aanan soo dhaweyn iyo sharci daro ah, ”ayey raacisay

Magaalo madaxda gobolka Tigray, Mekele, way deganayd laakiin waxa jirta xiisad kacsanayd markii gabbalku sii dhacayay.

Bayaan toddobaadkan ka soo baxay wakiilka bulshada rayidka ah ee gobolka, oo ay heshay wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa lagu sharraxay duqeyn culus oo loo geystey bulshooyinka meelo kale taas oo ka celisey dad badan oo deggen in ay qaxaan.
Waxay codsatay marin nabdoon oo gargaar loogu raro maadaama cuntada gabaabsi tahay.