Abbiy Axmed oo sheegtay in ciidankiisu qabsadeen Alamata

0

Addis Abab-(Berberanews)-Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Isniintii sheegtay inay qabsatay magaalo kale oo ku taal woqooyiga gobolka Tigray ka dib ku dhowaad laba toddobaad oo dagaal uu ka socday colaad horey ugu sii fiday Eritrea iyo xasilooni darrada Geeska Afrika oo dhan.

Cudud ciidan ayuu aasaasay Abiy, hogaamiyaha ugu da’da yar Afrika, si ay u maareeyaan isku dhaca ayaa sheegay in ciidamada federaalku “ka xoreeyeen” magaalada Alamata oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF).

“Way carareen, iyagoo kaxaystay ku dhowaad 10,000 oo maxbuus, ”ayay warbixintu raacisay, iyadoo aan la sheegin halka ay ka yimaadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhalinyaro badan oo 14 sano ka weyn ay durba ka qaxeen aaga iyagoo ka baqaya inay qortaan kooxda TPLF.
Iyada oo isgaadhsiinta inteeda badan ay go’antahay oo warbaahinta la xanibay, macquula aanay ahayn in si madax banaan loo xaqiijiyo sheegashada ay sameeyeen dhinacyada oo dhan.

Ma jiro macluumaad dheeri ah oo ka soo baxay madaxda Tigreega oo ku saabsan dhacdooyinka Alamata, oo u dhow xadka gobolka Amxaarada, qiyaastii 120km (75 mayl) u jirta caasimadda Tigray ee Mekelle.