Abbiy kama cabsi qabo dagaal dhuumaalaysi oo TPLF la gasho

0

Dhakhtar ku sugan caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya, Mekelle, ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof – oo uu ku jiraan 4 jir, 78 jir iyo qoys ka kooban afar qof lagu dilay dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa TPLF, sida ay Axaddii sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hase yeeshee war qoraal ah oo maanta ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax khasaaro ah oo soo gaadhay dadka rayidka ah, waxaana ciidamada gobolka Tigreega lagu tilmaamayay “kooxdii dambiyada gashay”.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dhakhtarka ay la hadashay ayaa sheegtay in adeegyada caafimaad ee magaalada Mekelle ay yihiin kuwo cakiran.

Waxay wakaaladda sheegtay in daawada antibiyootikada iyo cuntada bukaannada iyo dhakhaatiirtaba ay yar yihiin.
Bayaanka ka soo baxay xafiiska Mr Abiy maalintii Isniinta ayaa lagu sheegay in “qeybtii ugu adkayn ee hawlgallada ay dhammaadeen”, dowladduna ay hadda “soo celinayso sharcigii iyo kala dambayntii” iyadoo dib u dejin u samaynaysa kuwa ka qaxay gobolka.

Raysal wasaaraha wuxuu ku adkeysanayaa in laga adkaaday ciidamadii gobolka inkasta oo ay beeniyeen madaxda gobolka. Mr Abiy ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Tigreega ee militariga la dagaalamayay bishii ugu dambeysay aanay awood u laheyn inay dagaal dhuumaaleysi ah kaga soo qaadaan buuraha gobolka waqooyi.

Xigasho Bbc Somali