“Adduunka kamay dhicin Askar intay magaalada Timaaddo tidhaahda; ‘Waannu dheragnaye Hablo-na na siiya” Faysal Cali-waraabe

0

Hargeysa(Berberanews):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Faysal Cali Waraabe, ayaa Khudbad uu Sabtidii maanta ka jeediyey Xaflad Xisbigiisu ku qabsaday Hargeysa, ku weeraray Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe Maamulka iyo Ciidammada Dawlad-deegaanka Soomaalida Killalka Shanaad ee Itoobiya ku eedeeyey inay Tacaddi iyo dhibaato badan ku hayaan Bulshada Somaliland u dhalatay ee Xuduudka iyo kuwa gudaha Itoobiya dega, isla markaana waxyaabo aanay Yuhuuddu ku kucin kula kacaan.

“Qolada Khaatumo ayaa ii warramay oo waxay yidhaahdeen, Askarta Killalka Shanaad intay magaalooyinka yimaaddaan, ayey yidhaahdaan Waannu Dheragnaye Hablana na siiya… Adduunka kamay dhicin Askar intay magaalada Timaaddo tidhaahda; ‘Waannu dheragnaye Hablo-na na siiya Killalka Shanaad ka hor!’……” sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal, waxa uu ka warramay Taariikhda Kawda bisha Julay oo Maanta ku beegnayd, taas oo Soomaaliga looga dabbaal-degayey maalintii Soomaalida Koonfurto Xorriyadda ka qaadatay Talyaaniga 1 July 1960-kii oo sidoo kale ay Midoobeen Soomaalidii Waqooyiga (Somaliland) ee Ingiriiska xornimada ka qaadatay 26 June 1960-kii, taas oo uu ku tilmaamay xornimado luntay oo Somaliland aanay mahadin, sida uu hadalka u dhigay. Waxaanay isaga iyo Xubnaha kale ee Xisbigiisu xidheen Weer Cad oo ay Madaxa ku soo xidheen oo uu ku tilmaamay Murugada ay ka qabaan 1-da Luulyo ama 1-da July ee Soomaalida laga dabbaal-degayo.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe Sheegay in aanu dawladda taageerin ee uu Qaranka taageero, isla markaana Xisbiga Dawladda taageera ee ka tirsan dawladda yahay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. Waxaanu intaas ku ladhay Xukuumadda Kulmiye inaan wax laga mucaaradaaba jirin oo Cadceeddeedu sii dhacayso. Waxa uu Faysal ku dooday in wakhtigan aanay ahayn wakhtigii hoggaamin Kornayl ay u baahnayd Somaliland, balse ay u baahan tahay Hoggaamiye isaga oo kale ah Faysal ahaan.

Khudbadda uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe Xafladdaas ka jeediyey oo uu sidoo kale kaga hadlay arrimo kale oo Xisbigiisa iyo xaaladda dalka la xidhiidha, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-