“Afduub ayaa loo haystaa Xildhibaan Khadar Guun” Xildhibaan Khadar Cali Kiin

0

Hargeysa-(Berberanews)-Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka mid ah Xildhibaannada mucaaridka ah ee ka soo baxay Xisbiga waddani, ayaa sheegay in afduub loo haysto Xildhibaan Khadar Guun.

Xildhibaanku oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan la garanayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay Xildhibaan Guun, una sibir saaray una afduubanyahay dowlada.

“Waxaa la sheegayaa xildhibaanno la afduubtay oo meel alaale meel ay ku suganyihiin aan la garanayn oo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen iyo meel lala tegay aan la garanayn baa jira.”

Xildhibaanku waxaa uu werwet ka muujiyay xaaladda noocan oo kale ah iyo saamaynta la dhalan karta, “Sidaa awgeed qaabka wax u socdaan waa qaabkii dalka inaga xumayn lahaaa, waxaan leeyahay wanaaga iyo sharafta halagu soo noqdo, karaamada halagu soo nqodo, wanaaga halagu soo dabaalo.

Dadkii guryahoodii oo dhan baa la booqday oo laga waayay, walaalahoow baa loo tegay hablo barooranayaa jira oo xildhibaankoodii la,a xildhibaanka Khadar guun ee xalay la soo sawiray meel uun jaan iyo cidhib dhigay bal soo hela idinku, hudheelkee deganyahay? Xagguu ku suganyahay? Ma jiro!!” Ayuu yidhi.