Afhayeenka Madaxtooyada oo ka hadlay Safar Madaxweyne Silaanyo ugu baxay Imaaraadka

0

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa safar ugu ambo baxay dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Imaarada Abu dabai.

Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige Dayr oo saxaafada warbixin kooban ka siiyey ujeedada safarka Madaxweynaha, ayaa sheegay in safarka Madaxweynuhu uu yahay mid isaga u khaasa.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay madaarka Diyaaradaha ku soo sagootiyeen ku-xigeenkiisa iyo xubno kamida Goleyaasha Dawladda, ayaa isagu Warbaahinta la hadlin markii uu dhoofayey.

Weftiga Madaxweynaha waxa kamida Marwada 1aad, Xoghayaha gaarka ee Madaxweynaha iyo Xildhibaan Nac nac oo kamida mudaneyaasha Golaha Wakiillada, sidaa uu sheegay Afhayeenka Madaxweynuhu.

Halkan ka Daawo Warbixinta Afhayeenka Madaxweynaha: