Afrika, Yurub iyo Dunida Carabtu Maxay uga Maagayaan Aqoonsiga Somaliland?

0

Qore: Xuseen Cali Nuur

Jawaabta su’aashani waxay ku xidhan tahay fahamka saddex marxaladood oo shacbiga Somaliland hore u soo maray. Marxaladahaas oo dhammaan muujinaya, markhaatina ka ah xornimo jacaylka shacbiga iyo ilaalinta difaaca madax-bannaanidooda.
Marxalad kastana shacbigu wuxuu ka qaatay go’aan iyo tallaabadii ku habboonayd xilligaa. Duruufaha qalafsan ee ay kala kulmeen waxay ahaayeen kuwo aad u kala duwan, xaaladaha ay soo mareenna ka adag duruufaha ay soo mareen dalalka ay isku masiirka ahaayeen.
Marxaladda koowaad waxay ahayd, heshiiskii badda, markab dushiisa lagula saxeexday gumaysigii Boqortooyadii Ingiriiska- ee aan dalalka uu gumaysan jiray qoraxdu ka dhici jirin. Heshiiskaasi wuxuu ka dhigay Somaliland inay noqoto dal uu ilaalinayo Ingiriisku, oo aan loo ogolayn in dalka Somaliland ilmo ugu dhashaan. Marna may ahayn dal isticmaarku gumaysi ahaan uu ku joogo. Gumaystahaasi uma qaban Somaliland waxa uu u qabtay dalalkii uu joogay, taasina waxay ahayd jacaylka shacbiga ee madax-bannaanida.
Dabayshii xornimo ee Qaaradda Afrika ee lixdamaadkii qarnigii hore soo martay iyo hadafkii midnimo ee qaaradda marka lagu daro riyadii Soomaali weyn, ayaa Somaliland ku kalifay inay is-raacaan Soomaaliya oo uu gumaysan jiray Talyaanigu.
Is-raacii waxa lagala kulmay halaag, gumaad, hoog iyo saxariir shacbiga Somaliland muddo soddon sannadood ah ku noolaa, hase ahaatee halgan hubaysan oo loo midaysan yahay ayaa heeryadii gumaysiga madow la iskaga rogay soddon sannadood ka hor.
Afrika, Yurub iyo dunida Carabtu is-raacyo way soo mareen, hase ahaatee saddexda qaaradoodba is-raacyadii ka dhacay markii ay dalalku ka kala noqdeen dhammaan isla markiiba waa la aqoonsaday. Waa Ayaan-darro in Jamhuuriyadda Somaliland oo xornimadeeda qaadatay 1960-kii, kadibna ay is-raaceen Soomaaliya ka baxday 1991 in aan wali la aqoonsan.
Ma ogi dambi caalamiya oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka gashay dunida oo lagu ciqaabayo. Hase ahaatee waxaan ogahay;
• In qaarada Afrika dalalka Sinigaal iyo Gaambiya, sidoo kale Itoobiya iyo Eriterea ay is-raaceen, kalana baxeen sida Somaliland iyo Soomaaliya, balse la aqoonsaday Somalilandna loo diidan yahay. Dalalkaas la aqoonsaday xudduudahoodu waa kuwii uu gumaystuhu ka tagay. Waxaanay ku dhaqmayaan heshiiskii madaxweynayaasha Afrika ee Qaahira ka dhacay 1964kii.
• Masar iyo Suuriya, marxalad taas la mid ah ayey soo mareen, dalalka Carabta iyo duniduna waxay u aqoonsan yihiin laba dal oo xor ah oo gooni u taagan.
• Qaarada Yurub dalkii Yugoslaafiya oo saddex dal oo kala ah Seerbiya, Boosniya iyo Koosofo aqoonsi caalamiya ayey wada haystaan. Dalkii Jikoslafaakiya oo u kala baxay Jeeg iyo Islaaf waa dalal xor ah oo la aqoonsan yahay.

Dunidu ma hayso xeer caalamiya iyo sababo ay u aqoonsan la’dahay Jamhuuriyadda Somaliland, waxayse ka markhaati tahay dunidu balse ay indhaha ka qarsanaysaa in Jamhuuriyadda Somaliland ay xorowday 1960kii.

• inay tahay dal leh xudduudihiisii caalamiga ahaa ee la aqoonsan yahay.
• inay tahay dal shuruudaha daleed ee madax-bannaan wada leh.
• Inay tahay waddan nabadda,xasiloonida iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka jiraa aan lagu haynin gobolka Geeska Afrika oo dhan, qaarada Afrikana uu ku yahay mid nadir ah.
31kii May 2021 dad ka badan hal milyan markay doorasho isku sidkan ku codeeyeen nidaam dimuqraaddi ah oo caalamiya, xasilooni waxay muujiyeen in shacbigu xornimadiisa jecel yahay, waana mid loo qirayo.
Hase ahaatee, “Hashu maankayga gadaye’ ma maansaar bay liqday” waxay taasi la mid tahay dalalka Afrika, Yurub iyo Dunida Carabtu waxay ogyihiin oo ay ka baqayaan inay dhacaan haddii ay Somaliland noqoto dal ay aqoonsadaan oo xor ah.
By; Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.